Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Siciid Deni oo shaaciyey inay Dadka reer Sool ka taageerayaan Dhinaca Difaaca (Akhriso)

    Siciid Deni oo shaaciyey inay Dadka reer Sool ka taageerayaan Dhinaca Difaaca (Akhriso)

    December 30, 2022Updated:December 31, 20223 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hiil dhinac kasta ah la garab taagan yahay dadka Reer Sool iyo magaalaa Laascaanood, isagoo goor dhoweyd caawa qoraal kasoo saaray xaaladda kacsan ee magaaldaasi.

    “Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabadgalyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

    QORAALKA HOOS KA AKHRISO

    “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.

    Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo

    Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.

    Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto.

    Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison)

    Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya.

    Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood.

    Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.

    Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.

    Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.

    Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland.

    Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

    Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni.

    Kacdoonka Laascaanood Laascaano Puntland Siciid C/llaahi Deni Somaliland Sool Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSidee Madaxweyne Xasan Sheekh uga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood..?
    Next Article Tirada Weriyeyaasha Somaliya iyo Caalamka lagu dilay muddo 20 sano ah oo la shaaciyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo