Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»Sidee Alshabaab Dil Toogasho ah ugu fulisay Nin Somali-British ahaa oo ku biiray 2012..? (Qisada C/raxmaan)

    Sidee Alshabaab Dil Toogasho ah ugu fulisay Nin Somali-British ahaa oo ku biiray 2012..? (Qisada C/raxmaan)

    July 2, 2021Updated:July 2, 20212 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaar ka mida dad 24-kii ee Alshabaab ay Toogashada ku fulisay dhowan, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Basaasiin u shaqeeya dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

    Dadka ay Alshabaab ku toogatay degmada Jilib waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo: C/raxmaan Axmed Maxamed oo da’diisu ahayd 35 sno jir, kaasoo Alshabaab ay ku eedeysay inuu la shaqaynayay hayadda sirdoonka MI5 ee dowladda Ingiriiska iyo inuu ahaa qof aan wax diin ah heysan.

    Qirashada uu baahiyey Garsoorka Alshabaab ayaa ahaa inuu ninkan ka tirsanaa Alshabaab, looguna soo dhex daray inuu basaaso, isla markaana uu ahaa nin aan diin heysan oo mulxid ah, dalka ingiriiska isagoo joogana Ingiriiskana uu ku biiray sirdoonka, kana tirsanaa muddo 17 sano ah.

    Dadka ay xukunnada Toogashada ah ku fuliso Alshabaab waxaa dhammaantood la sheegaa inay qirteen jaajuusnimo oo ay basaasiin u ahaayeen dowladaha reer Galbeedka ama dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aanay jirin Qareeno u dooda ama inay iyaguna is difaacaan.

    “Shaqooyinka aan qabtay waxaa ka mid ahaa inaan ka howlgalay gudaha ingiriiska iyo dalka Lubnaan. Waxaa sanadkii 2006 shaqo la iigu soo diray Somaliya, xilligii maxaakiimta, mar labaad ayaa ka shaqeeyay gudaha Ingiriiska ilaa sanadkii 2012. Waxaan mar kale shaqo la iigu soo diray Soomaaliya oo aan howl ka qabtay. Waxaan ku biiray Alshabaab, waxaana gudbin jiray xogtoda. Xilligii Daacish waxaan aniga iyo Nin kale qabanay howlo aan farriimo ugu direyno dadkii aan naqaanay ee Alshabaab si ay beyco u siiyaan Hoggaamiyaha Daacish.. Kharashka waxaa noo soo diri jiray Sirdoonka Ingiriiska..” Waxaa sidan fagaare ku yaalla degmada Jilib ka akhriyey Garsoorihii Maxkamadda Alshabaab ee degmada Jilib oo soo xiganaya C/raxmaan Axmed oo Alshabaab toogasho ku fulisay 27-kii June 2021.

    Waxa kaliya ee kiiskan laga ogyahay ayaa ah in C/raxmaan uu ahaa nin Soomaali Biritish ah oo Soomaaliya yimid sanadkii 2006, markaasoo uu hubka qaatay kana mid ahaan dagaalyahannada maxaakiimta, kadibna uu sanadkii 2012 dib ugu soo laabtay, kuna biiray Alshabaab.

    Alshabab Somali-Biritish Toogasho Alshabab Xukun toogasho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMas’uul ka tirsan Dowladda Mareykanka oo xaqiijiyey in Askar Soomaali ah ay Eritrea u qaaday Itoobiya
    Next Article Guddoomiye Kumeelgaara oo loo doortay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo