Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sidee Baarlamaanku u ansixiyay Miisaaniyad aan Xukuumad lahayn?! – Faallo Misaaniyadda 2015 –
    Baarlamaanka

    Sidee Baarlamaanku u ansixiyay Miisaaniyad aan Xukuumad lahayn?! – Faallo Misaaniyadda 2015 –

    WebmasterBy WebmasterDecember 31, 2014Updated:December 31, 2014No Comments4 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadka 2015, iyadoo dood kulul ay ka keeneen qaar ka mida xildhibaannada miisaaniyadaasi oo ay caadi noqotay in la keeno xilli uu dhammaad yahay waqtiga oo aanay xildhibaanadu si fiican uga doodi karin.

    Doodihii xildhibaanada ka keeneen miisaaniyadda oo uu difaacay Golaha hortiisana keenay wasiiru dowlaha xilka sii haya ee Wasaaradda Maaliyadda waxay ahayd:

    = In Miisaaniyadda mar waliba la keeno waqti danbe oo ciriiri ah.

    = In aan lagu soo darin lacago xuquuq ah oo ka maqan xildhibaanadii dowladii KMG ahayd oo hore wax badan looga dooday la islana gartay.

    = In Baarlamaanka lagu eedeeyo inuu hortaagan yahay Miisaaniyada iyo mushaarka ciidamada iyadoo waqti fiican aan siin Baarlamaanka isla markaana laga yaabo ciidamada in iyadoo miisaaniyad u taallo aan mushaar la siin dhowr bilood.

    Waxaa  sanadkii hore sidan oo kale dood weyn uga dhalatay Miisaaniyada taasoo keentay in mid sadde bilood ah la ansixiyo, laakiin waxaa is

    weydiin leh, sidee miisaaniyad loo ansixiyaan xukuumadii fulin lahayd aan la dhisin?.

    budget

    Sida caadiga ah Miisaaniyad dowladeed waxay ka tarjuntaa siyaasad iy qorshe xukuumad fulin dejisay oo ku saleysan barnaamij ay xukuumadaasi dooneyso inay fuliso sanadka, waxaa kaloo ay fasir u tahay qorshaha xukuumadda iyo dowladda hiigsaneyso. Tusaale ahaan haddii xukuumadda Cumar C/rashiid dhisi doono qorshaheeda ugu weyn ka dhigto dhismaha maamulada Gobolada iyo Ammaanka, qorshahaasina Baarlamaanku ansixiyo miisaaniyadda dowladu waxaa inteeda badan loo jeedinayaa labadaasi qodod, oo wasaaradaha qaabilsan amaanka iyo federaalka ayaa ugu kharash badanaya.

    Marka aad eegto sida wax u socdeen sanadihii la soo dhaafay waxay miisaaniyadu ahayd mid wasaarad qura iska soo qorto, baarlamaankuna markii uu arrimo aan  asal ahayn ka doodo la ansixiyo kadibna aan dib danbe la isugu soo laaban lana daba gelin in miisaaniyadii sidii loogu talogalay loo fuliyay iyo waxa iska bedelay. Arrinantani waxay suuragal ka dhigtay in musuq badani oon la ogeyn ka dhaco.

    Waxaa la yaab leh xilligan oo xukuumad jirin in Baarlamaanku ka doodayo miisaaniyad ay diyaarisay wasaarad maaliyadeed oo aan awood lahayn, qorshaha ay miisaaniyadda ku saleysana aan la ogeyn ama yahay  qorshihii xukuumadii ay kalsoonida kala laabteen..!!

    Waxaa is weydiin leh sidee la isku waafajinayaa qorshaha uu la imaan doono Ra’iisal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa iyo miisaaniyadan hore u diyaarsaneyd?!!!.  Waxaa kasii daran Ra’iisal wasaare cusub oo iska ogol kuna shaqeyn doona miisaaniyad aanu waxba ku lahayn..? taasi wuxuu micnaheedu yahay in Ra’iisal wasaaraha cusub aanu qorshe lahayn.

    Wasaaradda Maaliyadda ee wasiirka uu ka ahaa Xuseen Cabdi Xalane lana filayo inuu soo laabto waxay website ay furatay ku shaaciyay miisaaniyadii 2013 iyo sidii loo kharash gareeyay… waa tallaabo fiican in la helo xitaa xisaab xirkaasi, laakiin waxaa isweydiin leh sidee loo hubin karaa in kharasha guud ahaan loo sheegay inuu baxay ay sax tahay sida loo kharash gareeyay?. Waxaan la soconaa in mushaarka shaqaalaha dowladda qaarkood oo ciidamada  ku jiraan mas’uuliyiin iska qaataan. Waxaan kaloo la soconaa in deeqo laga helo dibadda aan lagu darin miisaaniyadda dowladda ee mugdi lagu maamulo.

    Isku soo duub waxaa loo baahan yahay:

    1. In Baarlamaanka Soomaaliya mas’uuliyadiisa qaato oo aanu ansixin Miisaaniyad xukuumad la’aan ah.

    2. In xitaa haddii sidan lagu ansixiyo, xukuumadda cusub laga codsado inay dib u eegto waxna ka bedeli karto si loogula xisaabtamo.

    3. In Baarlamaanku shaqeeyo guddiga Maaliyadda qaabilsanna ay daba galaan sida ay u baxeen kharashaadka Baarlamaanku ansixiyay.

    4. In dowladda ciddii ay quseyso la weydiiyo deeqaha dibadda laga helo  lana horkeeno Baarlamaanka.

    Hiwsha ugu weyn ee baarlamaanka u taalla waa inuu dowladda kula xisaabtamaa shaqadeeda una ansixiyaa miisaaniyad cad oo aan mugdi ku jirin oo ka tarmujeysa qorshaha dowladda u degsan. Haddiiba xisaabtan jirin shaqada Baarlamaankuna noqoto Miisaaniyad ansixin oo qura waxaa meesha ka baxaya sababaha miisaaniyad loo dejiyo oo dhan iyadoo loo bedelayo lacago xaashi ku qoran oo mar qura la ansixiyo kadibna lagu kala tago.

    [blockquote style=”4″]Goor dhow ayay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen Miisaaniyadii 2015. Maqaal kale oo ku saabsan qaabka loo dhigay miisaaniyadan iyo fasirkeena ayaan gacanta ku haynaa insha Allaah.[/blockquote]

     

    Goobjooge.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Fariin Baarlamaan Miisaaniyada 2015
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo