Ciidamo ka tirsan milatariga Xooggaa Dalka dowladda Soomaaliya oo safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, qeybta raacsan Galmudug.
Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub culus oo ka socdaalayo Caasimada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay si caadi ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo, iyadoo sii maray Gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan howlgallada la filayo inay ka bilowdaan Gobolka Mudug gaar ahaan, degmada Xarardheere oo Alshabaab looga xoreyenayo Al Shabaab halkaasi.
Dagaalladii Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe looga saaray Alshabaab ayaa keenay in isu socodka Gobollo badna ay dib u furmaan, iyadoo dhowaan safar kan la mida ay ciidamo ka baxay Mudisho ku gaareen Galgaduud.



