Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Sidee Cumar C/rashiid isaga casilay dowladii Sheekh Shariif & Shariif Xasan..? [XUSUUS SIYAASADEED]

    Sidee Cumar C/rashiid isaga casilay dowladii Sheekh Shariif & Shariif Xasan..? [XUSUUS SIYAASADEED]

    January 7, 20174 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    QADO AY YEESHEEN SHEEKH SHARIIF (MADAXWEYNE) SHARIIF XASAN (GUDDOOMIYE BAARLAMAAN) IYO CUMAR C/RASHIID (OO XILKA RA'IISAL WASAARE ISKA CASILAYA)
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo dhowaaday doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya, waxaana musharixiinta la hadal hayo ka mida madaxweyne, Ra’iisal wasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan hore oo soo wada shaqeeyay.

    Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rashiid waxay soo dhiseen xukuumadii Midnimo ee lagu yagleeyay dalka Jabuuti markii ay heshiis gaareen Maxkamadihii islaamiga iyo dowladii uu hogaaminayay C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaa kaloo dowladaasi guddoomiye Baarlamaan ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Cumar C/rashiid ayaa xilka iska casilay 21-kii September, 2010, kadib marii ay is khilaafeen isaga iyo madaxweyne Shariif Xasan, waxaana lagu qanciyay inuu is casilo iyadoo markaas lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

    Waxaa Qormada hoose u soo qaadanay inay dib u xusuusano sidii ay ku dhacday is-casilaadii Cumar C/rashiid, iyadoo xilligan la hadal hayo in loo baahan yahay is bedel ku yimaada hogaanka dalka, taasoo u muuqata in Soomaalida ay  ka idlaadeen shaqsiyaad aan hore u soo fashilmin.

    AKHRI WARKII IS CASILAADDA CUMAR C/RASHIID 21 SEPT. 2010

    Xarunta Madaxtooyada isku casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke  kadib markii uu si rasmi ah uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif u gudbiyey Warqadii Istiqaalada oo uu kaga tageyo Xilkii Raiisul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka, waxaana markii uu is Casilayey Rasul Wsaare Cumar Cabdirashiid Garab taagnaa Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

    QADO AY YEESHEEN SHEEKH SHARIIF (MADAXWEYNE) SHARIIF XASAN (GUDDOOMIYE BAARLAMAAN) IYO CUMAR C/RASHIID (OO XILKA RA'IISAL WASAARE ISKA CASILAYA)
    QADO AY YEESHEEN SHEEKH SHARIIF (MADAXWEYNE) SHARIIF XASAN (GUDDOOMIYE BAARLAMAAN) IYO CUMAR C/RASHIID (OO XILKA RA’IISAL WASAARE ISKA CASILAYA)

    Kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayna ku wada Sugnaayeen Saddex Masuul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegey in sababaha uu isku casiley ay tahay markii uu sii xoogeystey Khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Madaxeyne Shiikh Shariif isla markaana uu gaarey meeshii ugu sarreysey,  wuxuu kaloo uu sheegey intii uu Raiisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii lagu soo dhisey Jabuuti uu wax weyn ay qabatey Dowladiisa balse ay u saamixiweysey in ay howshoodii ay dhameystiranto sababo ammaan oo ka jirey dalka.

    “Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga  qaado” ayuu yiri Cumar Cabdirshiid oo ugu baaqay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in deg deg u Magacaabo Raiisul wasaare

    Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo muddo soo jiitamayey ayaa iscasilaadda waxaa kaloo soo dhaweeyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sharriif oo sheegey in Talaabada uu qaadey Cumar Cabdirashiid ay tahay talaabi Taariikhi ah  oo geesinimo leh wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweyne Shiikh Shariif in Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qabtey Howl aad u balaaran islamarkaana uu si daacad ah ugu soo baxay Xilkiisa wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaab doono Raiisul Wasaare Cusub oo ka soo dhalaala Xilkiisa si waqtiga yar ee u harey Dowlada uu wax ka qabto arrimaha Ammaanka , Dhaqaalaha iyo Bulshada

    Qaar ka mid ah Xildhibaanada  ayaa si weyn u soo dhaweeyey is Casilaada uu xilkii iska casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyaga oo ku tilmaamey mid soo afjartey khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha DFKMG  Shiikh Shariif waxayna ka codsadeen Madaxweyne Shariif in soo magacaabo Raiisul wasaare samatabixya Dalka soomaaliya oo ay sheegeen in sii galayo mar xalad aad u adag.

    Dhanka kale hay’adda wararka AP waxay sheegtay in Muqdisho la isla dhex marayey in lacag la siiyey Sharmaarke si si tartiib ah isu casilo. “labada nin (Cumar iyo Sh. Shariif) waxay u muuqdeen kuwo aad u farsaxan. Sidaas in ay u muuqdaan kama aanan fileyn. Waxaa jira qorshe qarsoon oo ay heshiis ku yihiin,” sidaas waxaa yiri Mowliid Macaane, oo ahaa xildhibaan (Allaha u naxariisto), oo ka hadlayey arrinta la isla dhex marayo Muqdisho oo ay in Cumar C/rashiid Sharmaarke lacag la siiyey si uu isagoo aamusan isaga tago. Xigasho: Somalitalk


    GABAGABO:

    Waxaan qormadan u soo qaadanay xusuus ahaan si aanu dib ugu jaleecno taariikhda dhow ee qalinkeedu qoyan yahay inkastoo Soomaalidu aanay waayaha iyo taariikhda waxba ku qaadan.

     

    Cumar C/rashiid Doorashada 2016 Shariif Xasan Sheekh Shariif
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDagaal Facebook ku dhex maray Musharax Cali Americo & Xildhibaan Mahad Salaad [Kee khaldan..?]
    Next Article AKHRI: C/kariin Guuleed oo soo saaray Amar lama filaan [Howlihii Maamulka Galmudug oo la joojiyay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo