Waxaa (Talaada, Sept 21, 2010) Xarunta Madaxtooyada isku casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke kadib markii uu si rasmi ah uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif u gudbiyey Warqadii Istiqaalada oo uu kaga tageyo Xilkii Raiisul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka, waxaana markii uu is Casilayey Rasul Wsaare Cumar Cabdirashiid Garab taagnaa Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayna ku wada Sugnaayeen Saddex Masuul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegey in sababaha uu isku casiley ay tahay markii uu sii xoogeystey Khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Madaxeyne Shiikh Shariif isla markaana uu gaarey meeshii ugu sarreysey, wuxuu kaloo uu sheegey intii uu Raiisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii lagu soo dhisey Jabuuti uu wax weyn ay qabatey Dowladiisa balse ay u saamixiweysey in ay howshoodii ay dhameystiranto sababo ammaan oo ka jirey dalka.
[blockquote style=”4″]“Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga qaado” ayuu yiri Cumar Cabdirshiid oo ugu baaqay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in deg deg u Magacaabo Raiisul wasaare [/blockquote]
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo muddo soo jiitamayey ayaa iscasilaadda waxaa kaloo soo dhaweeyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sharriif oo sheegey in Talaabada uu qaadey Cumar Cabdirashiid ay tahay talaabi Taariikhi ah oo geesinimo leh wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweyne Shiikh Shariif in Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qabtey Howl aad u balaaran islamarkaana uu si daacad ah ugu soo baxay Xilkiisa wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaab doono Raiisul Wasaare Cusub oo ka soo dhalaala Xilkiisa si waqtiga yar ee u harey Dowlada uu wax ka qabto arrimaha Ammaanka , Dhaqaalaha iyo Bulshada
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa si weyn u soo dhaweeyey is Casilaada uu xilkii iska casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyaga oo ku tilmaamey mid soo afjartey khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif waxayna ka codsadeen Madaxweyne Shariif in soo magacaabo Raiisul wasaare samatabixya Dalka soomaaliya oo ay sheegeen in sii galayo mar xalad aad u adag.
Dhanka kale hay’adda wararka AP waxay sheegtay in Muqdisho la isla dhex marayey in lacag la siiyey Sharmaarke si si tartiib ah isu casilo. “labada nin (Cumar iyo Sh. Shariif) waxay u muuqdeen kuwo aad u farsaxan. Sidaas in ay u muuqdaan kama aanan fileyn. Waxaa jira qorshe qarsoon oo ay heshiis ku yihiin,” sidaas waxaa yiri Mowliid Macaane, oo ahaa xildhibaan (Allaha u naxariisto), oo ka hadlayey arrinta la isla dhex marayo Muqdisho oo ay in Cumar C/rashiid Sharmaarke lacag la siiyey si uu isagoo aamusan isaga tago. Sidaas waxaa qortay hay’adda wararka ee AP.
[blockquote style=”3″]Waxaa xusid mudan in Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu maanta ku sugan yahay isla meeshii uu isku casilay 4 sanadood ka hor isagoo qirsan inuu waxba qaban waayay, isagoo doonaya inuu qabto isla jagadii uu ka tegay oo markan ka culeys, shaqo iyo dhibaato badan tii uu ka tegay, meesha kuma jirto haddii loo shaqeynayo. Waxaan qormadan u soo qaadanay xusuus ahaan si aanu dib ugu jaleecno taariikhda dhow ee qalinkeedu qoyan yahay inkastoo Soomaalidu aanay waayaha iyo taariikhda waxba ku qaadan[/blockquote]
Xigasho: Somalitalk
[ad name=”HTML”]