Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»WARBIXIN XASAASI AH: Sidee C/weli Gaas loogu shirqoolay Shirkii Madasha ee Muqdisho

    WARBIXIN XASAASI AH: Sidee C/weli Gaas loogu shirqoolay Shirkii Madasha ee Muqdisho

    January 28, 20162 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wuxuu ahaa madaxweyne goboleedkii ugu horeeyay ee Muqdisho u yimaada Shirka Madasha Qaran ee magaalada Muqdisho ka furmay 25-kii bishan, shirkan waxaa lagu sheegay inuu yahay shir gaara oo Madasha yeelaneyso, waxaana lagu soo koobay madaxda maamulada iyo madaxda dowladda Federaalka oo ay wehliyaan wakiilada Beesha caalamka.

    Shirkan waxaa ka horeeyay qorshe ay ka wada shaqeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo wakiilada beesha caalamkana si weyn ugu guuxeen oo ay la qaateen, qorshaha doorashada ee dowladdu diyaarisay wuxuu ahaa midka soo baxay shalay ee lagu heshiiyay oo kaliya af ingiriis lagu qoray, iyadoo uu shaaciyay Ra’iisal wasaaraha. (Akhri War-murtiyeedka)

    Waxaa hore loo ogaa in madaxda sare ay isla meel dhigeen in aqalka hoose lagu saleeyo 4.5 oo kaliya la isku qabtay in aqalka sare lagu saleeyo 18 gobol oo ay ku adkeysteen Puntland iyo Jubba iyo in maamul goboleed lagu saleeyo oo ay doonayeen Galmudug iyo Puntland. Iyadoo taas lagu saleynayo ayay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha qorshahooda cusub ku saleeyeen.

    Xafladii furitaanka ee shirka Muqdisho ayaa mar kaliya madaxdii kale ka war heleen go’aanka doorasgada Madaxweyne Xasan Sheekh shirka ka jeediyay, isla markaana uu ayiday Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, inkastoo dhamaan madaxda kale oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ka hor yimid, haddana cidda damaanad qaaday oo qorshaha la cabsiiyay waxay ahayd beesha caalamka  (Akhri erayadii furitaanka Shirka la isku weydaarsaday).

    Haddaba shirqoolka qabsaday C/weli Gaas ee keenay inuu keli ku noqdo diidmada oo hadda uu shaaciyo inuusan go;aan gaari karin ee uu dib ugula noqonayo dadkiisa waxay ahayd in qorshaha doorashada ee markii dambe lagu heshiiyay ay Beesha caalamka si buuxda u taageertay kuna cadaadisay madaxdii kale oo dhan inay qaataan, taasoo keentay in madaxweynayaasha Jubba, Galmudug iyo K/Galbeed ogolaadaan.

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa si cad ugu sheegay C/weli Gaas inuu 3 xubnood oo dheeraad ah Puntland u soo dhiciyay si ay u dheeraato aqalka sare maamulada kale, intaas ka badan aanu jirin wax kale oo Puntland loo sameyn karo, wuxuuna ku adkeeyay inuu sida hogaamiye go’aan u qaato, waxaana labada nin dhex maray dood adag oo gaartay heer hoose iyo arrimo Jufo.

    Ugu danbeyn waxay arrintu noqotay in C/weli Gaas keligii bannaanka soo istaago, arrintuna ay ku soo ururto inuusan go’aankaasi geyn karin ama ka soconeynin Garowe oo la ogyahay inuu cadaadis siyaasadeed beeleed ka heysto, waxaase cad inuu arrinta uga sii daray markii uu shacabkiisa ku celiyay. (DHAGEYO)

    Wadani.com

    C/weli Gaas Puntland Qaabka doorashada Shirka Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfter attack, president says Kenya to remain in Somalia peace force
    Next Article DEGDEG: Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Qaabka doorashada 2016

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo