Waxaa lagu guuleystay in la soo qabto haweeney xaday canug saacado dhallanaa oo ay ka qaadatay hooyadiis oo ku dhashay Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho habeenkii Jicmaha soo galeysay.
Kiiskan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah magaalada Muqdisho ayaa naxdin weyn dhaliyay, waxaana aad looga yaabay qaabka loo xaday wiilka yar oo saacado markaas ka hor la dhalay, iyadoo xilli maqribnimo ah ay ka xaday haweeney aan la garaneyn isbitaalka.
Dadaal dheer kadib waxaa caawa lagu guuleystay in canugaasi yar uu dib ula midoobo hooyadiis, waxaana arrintan iska kaashaday degmooyinka Heliwaa iyo Hodon, iyadoo qoyska laag xaday canuga xog ay heleen la wadaageen Booliskam kaasoo ku saabsanaa haweeneyda xaday canuga iyo degmada ay ku sugan tahay.
Booliska Degmada Hodon ayaa kadib helay xog kale oo dad shacab ah ay la wadaageen, kuna saabsanayd haweeney ay uga shakiyeen inay heysato canug aysan dhalin, waxaana arrinta kashiftay haweeneyda ay ahayd inay iyadu uur lahayd oo aanay suuragal ahay inay xilligaasi dhashay.
Caawa oo Isniin soo galeyso ayaa wiilkii yaraa lagu wareejiyey hooyadiis iyo qoyskeeda oo ku jira isbitaalka SOS, waxaana arrintan ay soo afjartay kiis naxdin iyo yaab leh oo magaalada Muqdisho hareeyay.




