Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug ayuu maanta ansixiyey Baarlamaanka Galmudug, iyadoo isla maanta lagu dhaariyey xarunta Baarlamaanka Galmudug.
Dhammaan xubnihii xaadiray kulanka Baarlamaanka Galmudug oo gaarayey 78 xildhibaan ansixiyay Golaha Wasiirada Galmuudg, mana jirin cid diiday ama ka aamustay, waxaana khudbad halkaasi ka jeediyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo u mahadceliyey Baaralmaanka.
Tirads golaha Wasiirada Galmuudg ee ay maanta meel mariyeen Barlamaanka maamulkaasi ayaa ka kooban 61 xubnood oo kala ah 25 Wasiir, 25 Wasiir ku-xigeeno iyo 11 Wasiiru Dowle, iyadoo intooda badan halkaasi lagu dhaariyey.






