Waxaa soo baxeysa faahfaahin dheeraad oo ku saabsan qaabkii loo dhaawacmay taliyaha ciidamada ilaalada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ay haleeshay rasaas uu ku riday askari ka tirsan ciidamada hoos taga.
Taliyahii ciidamada gaarka ah ee qaabilsan Amniga Madaxweyne Farmaajo oo lag magacaabo Cabdifitaax Dabagaale ayaa maanta lagu dhaawacay albaabka hore ee Villa Somalia, waxayna arrintan ka dambeysay khilaaf shaqsi ah oo dhex maray askariga dhaawaca geysatay, kaasoo salka ku hayey lacag mushaar ah oo laga lunsaday askariga.
Wararka ayaa sheegay in askariga tallaabdan qaaday uu baxsaday iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto, waxaan taliya Dabagaale la dhigay isbitaalka iyadoo xaaladiisa lagu sheegay mid degan.