Afduub nooc cusub ah oo arxan darro weyn ka muuqato ayaa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Haweeney si fiican u lebisan oo iska dhigtay samafale ayaa qorshe dhac farsameysan ah kula kacay gabar 9 sano jir ah oo qoyskeeda ku dhinteen abaaraha oo ku caan baxday inay lasoo lugeysay wiil yar oo la dhashay, iyadoo ka timid degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Gabadhan oo lagu magacaabo Meymuun Axmed Nuur ayaa baraha bulshada qabsatay, dadka Soomaaliyeedna la damqadeen ayuu haweeneydan hunguri kasoo galay, waxayna ugu tagtay xerada ay ku nooleyd ee degmada Kaxda iyadoo u sheegay in lacag loo soo diray ay ku soo wareejineyso.
Haweeneydan ayaa si fudud ku kaxeysatay gabadha yar iyo ayeeyadeed iyadoo u sheegay inay deeq lacageed soo siin doonto, waxayna si farsameysan uga qaadatay saddex SIM CARD oo ay lacago ugu jireen iyadoo ka shubatay lacagihii ugu jiray oo dhan oo ay dadku ugu deeqeen.
Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa falkan ku sheegay mid ku dhacay si degdeg oo haweeney kula kacday Meymuun markii ay ka daba tageenna ay shirkadda Hormuud u sheegtay in lacagtaasi la sariftay oo aan dib loo heli karin.
Haweeneydan qalin-shubatada ahayd ee dhaca u geysatay dhibane Meymuun ayaan la aqoonsan, waxaana maanta dad kala duwan ay deeq gaarsiiyeen Meymuun.
DHAGESYO QISADAN YAABKA LEH
Wadani.com