Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Sidee loo dilay Almaas Elman Cali Axmed? [Warbixin ku saabsan su’aalo ka dhashay Dilkeeda & Taariikhda Qoyska]

    Sidee loo dilay Almaas Elman Cali Axmed? [Warbixin ku saabsan su’aalo ka dhashay Dilkeeda & Taariikhda Qoyska]

    November 20, 2019Updated:November 23, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almaas Elman Cali Axmed oo ahayd haweeney hore u soo noqotay xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, kuna howlaneyd arrimaha samafalka.

    Almaas ayaa la sheegay inay rasaas haleeshay xilli ay saarneyd Gaarigeeda oo marayey jidka yar ee isku xira Xalane iyo Garoonka Muqdisho ee Gudaha Xalane; waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi oo ay deganayd, iyadoo xilligan u shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midowga Yurub ee Soomaaliya.

    Dilka Almaas oo ay si weyn uga naxeen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhashay su’aalo fara badan oo ku saabsan cidda ka danbeysay dilkeeda iyo sida ay ku dhacday in gudaha xarunta Xalane uu dil ka dhaco oo ay wehliso awoodda ay dowladda ku leedahay xerada Xalane..? waxaana weli jirin wax faahfaahin ah oo ay falkan ka bixiyeen AMISOM iyo dowladda Soomaaliya marka laga reebo inay baarayaan.

    Wararkii ugu horeeyay ee soo baxay ayaa ahaa in dilkeeda ay dhalisay rasaas habow ama wiifto ah, taasoo su’aalo badan ay ka keeneen Soomaalida baraha bulshada oo tacsida murugada leh ka sokow su’aalo iska weydiiyey xerada #Halane, iyadoo magacaasi ka mid noqday kan ugu hadal heynta badan baraha bulshada saacadihii ugu danbeeyay.

    Sawir-qaade Siciid Fadhiye oo la socday Almaas, lana saarnaa Gaariga ayaa ah markhaatiga ugu weyn ee kiiskan, waxaana dilka kadib lagu xiray saldhiga Garoonka Diyaaradaha arrimo aan la garaneyn, iyagoo lasii daayey saqdii dhexe, saacado kadib falkaasi markii ay dadaal u galeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Siciid ayaa caddeeyay in weerar lagu soo qaaday Gaarigooda.!

    Almaas waxay dad badan ku sifeeyeen qof samafale ah, waxayna kasoo jeedaa qoys ku caan baxay u ololeynta nabadda iyo samafalka. Waxa saddex ku ahayd laba gabdhood oo iyaguna taariikh ku leh samafalka iyo halganka Soomaaliya. Tan hore waa Ilwad Elman oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkanna ku jirtay dadkii loo sharaxay Abaal Marinta Caalamiga ee Nabadda ee Noble Peace Price iyo Iimaan Elman oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

    Almaas waxay ka howlgashay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya intii u dhaxeysay sanadihii 2016kii iyo 20017-kii, waxayna iyada, hooyadeed Fartuun C/salaan kasoo laabteen Dalka Canada si ay Soomaalida wax ugu qabtaan.

    Waxaa lagu xusuustaata Qoyska Almaas inay ka shaqeeyaan xuquuqda aadanaha iyo nabadda, taasoo ay ka dhaxleen aabahood Elman Cali Axmed oo 9-kii bishii March ee sanadkii 1996dii isna lagu dilay magaalada Muqdisho.

    AMISOM iyo dowladda Somalia ayaa looga fadhiyaa baaritaan cad oo ku saabsan sidii loo dilay iyo ciddii ka danbeysay falkaas naxdinta leh.

    Almaas Elman Almas Elman Ali Dil Mogadishu Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Shan Qodob oo ay isla qaateen Madaxweyne Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh [Raaligelin uu bixiyey..]
    Next Article Dowladda Somalia oo War Culus kasoo saartay Dilkii Marxuumad Almaas Elman [Baaritaan adag oo lagu soo qabanayo..]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo