Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaatay go’aankiisii ugu adkaa markii uu amray in duqeyn lagu dilo Jeneraalka hoggaamiya Guutada Qudus ee ilaalada Kacaanka Iiraan Jen. Qaasim Suleymani.
62 sano jirka reer Iiraan, Jeneraalkani wuxuu ahaa mas’uulka labaad ee ugu caansan dalka Iiraan, wuxuuna taliye u ahaa ciidamada Qudus oo ka mida ilaalada Kacaanka Iiraan oo ah ciidamo gaara oo si weyn loo diyaariyey, kuwaasoo ka howlgala dalal ay ka mid yihiin: Lubnaan, Ciraaq, Syria, Yeman iyo dalal kale.
Jeneraal Suleymi oo diyaarad ka dejisay Garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad aroortii saaka kadib saqdii dhexe, waxaana socdaalkiisa oo qarsoodi ahaa garoonka magaalada Baqdaad kusoo dhoweeyay saraakiisha Kacdoonka Shacabka reer Ciraaq oo gacansaar leh, iyadoo gaadiidka lagu soo dhoweeyay aysan qaarkood ka bixin Garoonka Baqdaad ayaa Gantaallo lagu weerarray Kolonyadii uu ka mid ahaa Jeneraal Qaasim Suleymani.
Saddex gantaal ayaa haleelay laba Gaari oo ay la socdeen madaxa Kacdoonka Shacabka Ciraaq, waxaana si xun u gubtay labada gaari oo uu la socday Jeneraal Qaasim Suleyman, iyadoo gantaallaha ay qasaare gaarsiiyeen qeyb ka mida Garoonka diyaaradaha Magaalada Baqdaad.
Waxaa kaloo duqeyta ku dhintay taliye ku xigeenkii ciidamada Kacdoonka Shacabka ee Ciraaq Abuu Mahdi Almuhandis iyo 5 xubnood oo kale, waxayna shaacisay wasaaradda difaaca Mareykanka inuu duqeyntaasi amray madaxweyne Donald Trump si looga hortago weerarro kale oo lagu qaado danaha Mareykanka ee dalka Ciraaq.
Garoonka diyaaradaha magaaada Baqdaad ayaa muddo saacado ah shaqada la joojiyey markii ay saameyn ku yeelatay duqeynta, waxaana gantaalaha qaarkood ku dhaceen gudaha garoonka, iyadoo dowlada Ciraaq ay cambaareysay falkaasi oo xadgudub ku ah qaranimada dalka Ciraaq.
Wuxuu ahaa nin hoggaamiyey dagaallo badan oo lala galay Daacish dalalka Ciraaq iyo Suuriya, mana ahayn nin ka baqa dagaallada iyo goobaha colaadda, isagoo kasoo muuqday gobollada sida weyn loogu dagaalamay ee Syria iyo Ciraaq.
Waxaa la is weydiinayaa sababta keentay inuu Madaxweyne Trump ku dhaqaaqo tallaab sidaas halis u ah oo kaliye reer Iiraan maahee xadgudub ku ah dalka Ciraaq, waxayna tallaabadan timid iyadoo Mareykanka iyo Iiraan ay sheegeen inaysan dooneynin dagaal.
Duqeytani waxay keentay in daqiiqado kadib ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada Kacdoonka shacabka Ciraaq inay xaqiijiyaan geerida Jeneraal Qaasim Suleymaani, kadibna waxaa iska soo daba dhacay warka ku saabsan dilka Jeneraalka.
Madaxda Iiraan ayaa dhammaantood shaaciyey inay jawaab culus ka bixin doonaan dilka Jeneraal Qaasimi, waxaana shir degdeg ah la isugu yeeray Golaha Amniga ee dalka Iiraan oo go’aan ka qaadan doona sida ay noqon doonto jawaabta Iiraan ka bixin doonto Iiraan.