Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Sidee loo doortay Axmed Madoobe May, 2013..? (Warbixin Xiiso leh oo ku saabsan Sharcinimada hogaamiyaha Jubba)

    Sidee loo doortay Axmed Madoobe May, 2013..? (Warbixin Xiiso leh oo ku saabsan Sharcinimada hogaamiyaha Jubba)

    August 12, 2015Updated:August 22, 20193 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    XUSUUSO HADDAAD XIS LEEDAHAY

    Iyadoo markii saddexaad 6 sano kadib maanta (22 Ogost 2019) la fialyo in Kismaayo lagu qabto doorasho muran badan iyo khilaaf hareeyay oo uu hormuud ka yahay, lana filayo inuu ku soo baxo Axmed Madoobe ayaan dib u eegeynaa sida ay u dhacday Doorashadii ugu horeysay ee hoggaamiyihii kooxda Raaskaambooni xilka uu hadda mar kale u socdo ku qabtay.

    Doorashadii labaad waxay dhacday 15-kii Ogost 2015, iyadoo la mid ahyad tii ka horeysay isla markaana sharcinimadeeda shaki la geliyey.

    Haddana waxaan dib u milicsaneysaa sida hogaamiyihii hore kooxda Raaskaambooni Axmed Madoobe sida uu xilkan uu hadda hayo ku yimid, iyo sidii ay wax u dhaceen maalintii doorashada dhacday  ee 15 May 2013 ee ugu horeysay.

    Ax-doorasho
    Axmed Madoobe oo la dhaarinayo 15 May 2013
    • Maalintii la shaaciyay in la doortay Axmed Madoobe waxay wax waliba u dhaceen si qarsoodi ah
    • Waxaa la sheegay in musharixiintii la tartamayay Axmed Madoobe ay tanaasuleen
    • Waxaa la sheegay in ergadii oo dhan u wada codeysay Axmed Madoobe

    Inta waxaasi oo dhan dhacayeen waxaa barbar socday ergo garoonka lagu xiray, kuwo la celiyay iyo dowladda Federaalka oo gebi ahaanba wixii ka dhacay Kismaayo ku tilmaantay sharci darro. Barre Hiiraale oo markaa ku sugnaa Kismaayo ayaa isna ku dhawaaqay in madaxweyne loo doortay.

    Ax-doorasho1
    Ergadii la sheegay inay dooratay Axmed Madoobe

    Sdiee ku dhacday doorashadii axmed Madoobe 15-ka May 2013, waxaad ka fahmi kartaa xaaladii markaas taagneyd Wareysi BBC-da Laanta Af-Soomaaliga isla maalintaas la yeelatay Axmed Madoobe, waxaa wareysiga qaaday weriye C/raxmaan Koronto la yeeshay.

    Hoos ka dhageyso wareysiga

    http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2013/05/amadoobe_130515_amad_au_bb.mp3

    Warkii BBC-da ka qortay doorashada Axmed Madoobe hoos ka akhri

    “Waxaa jira warar iska hor imanaya oo ku saabsan doorasho madaxtinimo oo la sheegay inay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo sida muuqata labo kooxood oo loollamaya ay mid waliba sheeganayso inay madaxweyne doorteen. Shirka muddada ka socday Kismaayo, ayaa ergooyinkii ka qaybgalay la sheegay in ay madaxwayne u doorteen Sheekh Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe), inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ergooyinkii matalayay qabaa’ilka qaar ay horay u qaadaceen shirka...”

    Waxaa is-weydiin leh waqtiga Axmed Madoobe inta uu ku eg yahay?

    Muran iyo dagaal dheer kadib waxaa heshiis dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, heshiiskan waxaa la saxiixay 28-kii August 2013, waxaana la yaab leh in Axmed Madoobe uu hadda ku joogo ama madaxweyne ku yahay heshiiskii Addis ababa. Waxaa kaloo la yaab leh in Axmed Madoobe aanu waxba dhinaciisa ka fulin qodobadii heshiiska Addis Ababa.

    heshiis_Jubba

    HALKAN KA AKHRISO HESHIISKII ADDIS ABABA

    Arrimaha Jubbooyinka ee cakiran ayaa u muuqda inay in muddo ah sidan sii ahaan doonaan, iyadoo dowladaha deriska ah ay lug weyn ku leeyihiin xaaladda Soomaaliya iyo federaaleynta qabiilka ku dhisan ee ka socdo Jamhuuriyadii Soomaaliya.

    Wadani.net

    Doorashadii Axmed Madoobe Doorashadii Axmed Madoobe 2013 Kismaayo Sharcinimada Axmed Madoobe Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Xuduudaha oo codsi hordhigay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya
    Next Article Sarkaal shaaciyay in Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiintii Gobolka Gedo ay u xiran yihiin Itoobiya (Magacyada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo