Inkastoo war rasmi ah aanu kasoo bixin hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya oo ku saabsan qarixii Arbacadii ka dhacay xarunta maamulka G/banaadir ee degmada Xamarweyne ayaa haddana waxaa saraakiisha dowladda laga soo weriyey warar is khilaafsan.
Dadkii ku sugnaa hoolka shirka xarunta Gobolka Banaadir ee qaraxa ka dhacay ee ka badbaaday waxay sheegeen inaysan kala garan karin nooca uu qaraxu ahaa, iyadoo mar kaliya ay goobtu qaraxday isuna bedeshay uuro meydad iyo fowdo waxba la kala garan waayey, mana jriin cid ku sugneyd xarunta oo sheegi karta wixii meesha ka dhacay. [AKHRI WARKA QARAXA]
Saacado kadib waxaa la sheegay in is-miidaamin uu ahaa qaraxa, waxaana la yaab lahayd in marba qof haweeney ah loo saarinayey,, warkii ugu horeeyay ahaa ahaa in la waayey guddoomiyaha degmada Shingaani oo ka mid ahayd dadkii qaraxa ku dhintay, kadib markii la aqoonsan waayey, taasoo ay ugu wacneyd in wejiga uu dhaawac xoog leh ka gaaray, taasoo keentay in iyadii la tuhmo, laakiin la aqoonsaday meydkeeda, kadibna arrintii loo wareejiyey haweeney kale oo la sheegay inay la socotay madaxa arrimaha Naafada Gobolka Banaadir Basiira Cabdi, kadib markii loo maleeyay haraaga jir haween oo goobta qaraxa laga helay . [AKHRISO]
Warka kaliya ee maamulka G/Banaadir laga hayo ayaa ahaa mid kasoo yeeray guddoomiye ku xigeenka maamulkaasi ee dhinaca Amniga Maxamed Tuulah oo sheegay in haweeney lagu tuhunsan yahay qaraxa, isagoo sheegay in baaritaan socdo, waxaana arrintan sii xoojiyey oo ku celiyay maanta Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo sheegay in tuhunku saaran yahay qof haween ah. laakiin weli lama sheegin magaca iyo xaqiiqnimada warkan.
Shalay waxaa haddana warka saxaafadda loo dusiyey ee laga helay saraakiiisa baarista uu ahaa in tuhunka ugu weyn uu saaran yahay Basiira Cabdi Maxamed oo ahayd haweeney indhoola oo heysay xilka Madaxa Arrimaha Naafadda ee maamulka G/Banaadir, iyadoo la sheegay in haweeneydii hore looga shakisnaa ay baxsatay oo la raadinayo, warkan oo dad badan ka yaabiyey, isla markaana keenays u’aalo badan.
Dad badan ayaa diiday, isla markaana wax aan la qaadan karin ku tilmaamay tuhunka loo jeediyay Basiira Cabdi Maxamed oo muddo 7 bilood ah heysay xilka, waxaana xildhibaan Mahad Salaad uu ku dooday in gabadhan ay soo joogtay xaflado badan oo madax sare sida madaxweynaha uga qeyb galeen xarunta G/banaadir. Tuhunka saaran Basiira ayaa inay ahayd qof uu saameynta ugu weyn qaraxa ku yeeshay.
Sababta keentay jaha-wareerka baarista qaraxa ka dhacay xarunta G/banaadir ayaa ah in haddiiba qarax dhaco, loona maleeyo inuu is-miidaamin yahay, qofka is qarxiyey laga eego xaaladda jirkiisa oo waxyeelada ugu darran ay soo gaarto, maadaama suun qarxa uu xiran yahay ama jirkiisa inta badan la waayo, laakin ma jirin suuragalnimo kale oo laga eegay, sida dadka jirkooda la waayey ama intiisa badan la waayey inay u dhowaan karaan waxyaabo qarxa ama qof is-miidaamiye ahaa, laakiin muuqaalka shirka qaraxa ka hore wuxuu muujinayaa inaysan caadi ahayn.
Dadka qaarkiis waxay tuhunka saareen ciidamada ilaaliya iyo kuwa qaabilsan amniga xarunta Gobolka Banaadir oo ay ku jiraan xubno kasoo goostay Alshabaab, ujeedka wararka is khilaafsan ee baaritaanka kiiskana uu yahay in madaxda iyo shacabka lagu marin habaabiyo, si loogu daboolo mas’uuliyadda cidda fududeysay.
Kiiska baaritaanka qarixii xarunta G/Banadir waxaa shaki weyn geliyay war laga soo xigtay saraakiisha Alshabaab oo ay ku sheegeen in qaraxa uu ahaa qalab waxyaabaha qarxa lagu diyaariyey oo xarunta la sii dhigay, basle aanu ahayn mid loo adeegsaday is-miidaamin. Al;shabaab waxay uga faa’iideysaneysaa inay buunbuuniso kiiska iyadoo gaarsiineysa Wakiilka Q/Midoobay iyo inay daboosho dadkii kala shaqeeeyay e fududeeyay.
[AKHRI: Xogta laga helay Alshabaab]
Dhibaatadda ugu weyn ee kiiskan ku gadaaman ayaa ah inaan la kala garan karin caddowga iyo ciidamada Qaranka ee daacadda ah, aaminkuna uu aad u yaraaday. sababtoo ah qaraxa ka dahcay xarunta Gobolka haddii uu ahaa qalab meesha lagu diyaariyey iyo qof is qarxiyay waa isku mid marka ay timaado sida looga shaqeeyey ee dad badan oo amniga xarunta qaabilsanaa ugu lug leeyihiin.
Ma jirto xaqiiqo cad oo ilaa hadda loo hayo Qaraxa xarunta G/banaadir ee qasaaraha badan dhaliyey, mana jirto cid lagu tuhmi karo oo aan ahayn Alshabaab inay soo maleegtay, laakiin baaritaankiisu wuxuu noqon doono mid lagu ogaan doono sida hay’adaha Amniga dowladda Federaalka iyo madaxdeeda daacad ugu yihiin dagaalka Alshabaab iyo la-xisaabtanka mas’uuliyiinta loo igmaday, waxaana la sugi doonaa tallaabada ay qaadaan iyo waxa kasoo baxa baaritaan aan ahayn in arrinta la isku tuur-tuuro ama indhaha laga rido.
GOOBJOOGE