Waxaa dhowaan fashil ku dhammaaday shirar khadka Isgaarsiinta ku dhex maray Xogheynta Madaxooyada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay madaxweynayaasha Maamul Goboleedyaa dalka oo loogu gogol xaarayey kulan ay isugu yimaadaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shirarkan u xilsaartay Agaasimaha Madaxtooyada, La-taliyaha dhinaca Amniga ee Madaxtooyada, Agaasimaha Warfaafinta, waxaana shirka agaasinkiisa lahaa Najiib Sheekh C/kariin oo ka mida la-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.
Shirkan ayaa la isku mari waayey ajendayaasha shirka iyo goobta lagu qabanayo, waxaana xubnaha Madaxtooyada Villa Somalia ka socday lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen fashilinta shirkaasi markii ay u adkeysteen inaan shirka loga hadleynin arrimaha doorshada dalka iyagoo ku dooday inay u taallo labada aqal ee Baarlamaanka.
Wakiiladii shirka uga qey galay Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xaaladda uga sii daray markii wakiilkii Maamulka K/Galbeed uu caqabad badan shirka hor dhigay.
Dood dheer kadib ayaa lagu kala tegay shirkii, iyadoo ay ka muuqatay in Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneysay in shirkaasi lagu kala tago, waxaana inuu qabsoomo culeys ku saarayey dowladda Soomaaliya Beesha caalamka iyo Q/Midoobay oo marar baan dalbaday in lasoo nooleeyo shirarkii madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleeyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa diidan in maamul Goboleedyada wax talo ah ku yeeshaan Doorahada 2020/2021, wuxuuna dhowaan shaaciyay in Doorasho la aado, taasoo ay maamullada iyo siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan qorshe lagu doonayo muddo kororsi.