waxa magaalada Garowe ka furmaya Sabtida shir ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka, iyadoo shirkaasi ka duwan yahay shirarkii hore ee labada dhinac.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa hoggaamiya shirarkan oo isugu yeeri jiray xilliga la qabanayo, isaga ayaana guddoomiya mar kasta, waxaana magaca shirarkani ay ahaayeen Golaha Amniga Qaranka oo inkastoo aanu golahaasi dastuuri ahayn, ku sharciyoobay kulamadii madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Maamul Goboleedyada, lana wareegay awoodii Baarlamaanka.
Kadib khilaafkii madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee keenay inay maamul Goboleedyada dhistaan Gole ka horjeeda dowladda, xiriirkana u jareen dowladda Federaalka, waxaa hoggaanka dowladda Soomaaliya ku fashilmay inuu guud ahaan u xaliyo khilaafkaasi, waxaana ugu danbeyn hoggaanka la wareegay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciiid C/llaahi Deni oo xafladii caleemosaarkiisa isu keenay madaxdii maamullada iyo madaxweyne Farmaajo.
Kulankaas waxaa lagu heshiiyey in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana kulan lagu xaliyo dhibaatada labada dhinac lagu qabto magaalada Garowe aakhirka bisha Maarso, shirkaas oo u qabsoomi waayey markii uu ka cago jiiday madaxweyne Farmaajo, waxaana dhacday inuu Muqdisho isugu yeero shir kale bishii April, kaasoo qabsoomi waayey markii ay madaxda maamul Goboleedyada ka baaqsadeen.
Waxaa hoggaankii mar kale la wareegay madaxweynaha Puntland Sidii C/llaahi Deni oo Garowe uga dhawaaqay inuu shir nooc cusub ah oo aan wadan magacii golaha Amniga Qaran uu ka dhacayo 2-da May, ayna ka qeyb geli doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha, taasoo mar kale caddeyn u noqotay in hoggaankii shirarkan uu la wareegay Madaxweynaha cusub ee Puntland.
Shirka Garowe wuxuu shaki la’aan noqon doonaa midkii ugu adkaa ee soo wajaha madaxda dowladda Federaalka, waxaana hordhaca qabanqaabadiisu muujineysaa in siyaasad ahaan iyo mowqif ahaan ay liidato xaaladda hoggaanka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi tegaya iyadoo ku qabsan.