Intii aanu xilka la wareegin waxaa hareeyay xiriiro kala duwan, telefoonno madax sare iyo Boqorro toos ugu soo direen, wakiilo dowlado iyo shirkado daba ordaya iyo dallaaliin siyaasadeed oo balanqaado badan u sida.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo intii aanay saacado ka soo wareegin doorashadiisa wuxuu ku dhex dhacay xaalad aan xisaabta ugu jirin oo caddeyn u ah sida dalkan Soomaaliya u noqday goob ay ku loolamaan dalal shisheeye iyo awoodo heer gobol iyo caalami ah.
Culeyskii ugu horeeyay wuxuu kala kulmay Boqorka Sacuudiga oo telefoon toos ah u soo diray, iyadoo ay Muqdisho u joogeen xiriiriyeyaal sugayay madaxweynaha cusub ee la dooran doono, waxayna taasi keentay in socdaalkiisii koowaad uu Farmaajo ku tago Sacuudiga.
Waxay dowladiisu ka kowsatay faragelin qaawan oo Imaaraadku ku sameeyay madax bannaanida dalka markii uu maamul ka mida Soomaaliya la galay heshiis saldhig milateri, laakiin diblmaasiyadda UAE iyo doorkeeda muuqda ee ay ku leedahay dowladda Federaalka waxay keentay inuu Farmaajo socdaal ku tago Imaaraadka, kaasoo aan faahfaahin ah laga bixin arrimihii masiiriga ahaa.
Safarkii ugu danbeeyay wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku joogaa Turkiga oo ka mida dalalka ugu horeeya ee saameynta ku leh xaaladda Soomaaliya kadib markii uu casuumay Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan.
Waxaa intaas dheer dowladaha ugu saameynta badan ee Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo Qorshahooda Soomaaliya ku ansixin doona Shirka London ee horaanta May 2017 ka furmaya magaalada London.
Awoodaha is barbar yaacaya, danaha iska horjeeda ee Soomaaliya laga leeyahay iyo xaaladda ay Soomaaliya ku jiro waa kuwo aan is qaban karin oo hogaamiyaha dalka la isku heysto ka dhigeysa mid ay adag tahay inuu maareeyo isuna miisaamo danaha shisheeye iyo dalkan dhibaateysan ee la kala jiidanyo.
Ma cadda in Madaxweyne Farmaajo u diyaar yahay xaaladda adag ee hortaalla iyo inuu heli karo xikmadii iyo kartidii uu ku kala maareyn lahaa gacmaha badan ee danaha ka leh Soomaaliya, waxaana muuqata inuu doortay siyaasad uu dowlad kasta rabitaankeeda ku aqbalayo, ugana aamusay ka hadalka arrimaha xasaasiga ah, taasoo aan waqti badan sii socon karin.
FAALLADA GOOBJOOGE.COM