Qaramada Midoobay, ATMIS iyo qaar ka mida dalalka taageera Soomaliya ayaa ka hadlay weerarka Alshabaab ku qaaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho oo qasaare badan dhaliyay.
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarka Alshabaab, waxaana qoraal uu soo saaray wakiilka Q/Midoobay James Swan inay si weyn u cambaareynayaan weerarka bahalnimada ah, ayna garab taagan yihiin dadka ku waxyeeloobay iyo ku dhaawacmay.
“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugta iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Qoraal sidoo kale kasoo baxay Howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa si weyn loogu cambaareeyay weerarka argagixisada Alshabaab ee Hotel Hayat. “ATMIS waxay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, waxayna sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto argagixisada. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dadkii ku geeriyooday weerarka, kuwii lagu dhaawacayna waxaan u rajeyneynaa caafimaad degdega” ayaa agu yiri qoraalka ATMIS.
Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale cambaareysay weerarka Hotelka Hayat. “UK waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Hayat. Dareenkeenu wuxuu la jiraa qoysaska dadkii ku dhintay. UK waxay garab taagan tahay Soomaaliya, waxayna ka horjeedaauwa doonayaan inay burburiyaan horumarka la gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safiirada UK ee Muqdisho.
Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen eheladooda, waxaana u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay, waxaana ammaaneynaa ciidamada ammaanka Soomaaliya. Mareykanka ayaa weli ku adkeysanayaa taageerada aan siino Soomaaliya iyo dadaallada ay hormuudka ka yihiin Midowga Afrika ee looga hortagayo argagixisanimada iyo dhismaha mustaqbal ammaan iyo barwaaqo u leh dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price.
