Kadib markii uu Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Doorashada soo socota ayaa waxay tallaabaadan jug siyaasadeed oo weyn ku noqotay Madaxweynaha doonaya in mar labaad la doorto ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Inkastoo aysan tallaabada Xasan Kheyre ahayn mid lama filaan ah, haddana waqtiga lagu soo beegay ayaa caddeyn u ahayn laba xaqiiqo oo muhiim ah, taasoo damaca madaxweyne Farmaajo ee dib u doorashada ka dhigeysa mid uu hareeyay mugdi weyn.
Waa marka horee Xasan Cali Kheyre ma ahayn oo kaliya Ra’iisal wasaare ee wuxuu kooxda Nabad iyo Nolol u ahaa laf-dhabar ay isku halleeyeen oo xog badan ka haya, isla markaana ay u dhaafeen dhammaan xiriirada dibadda iyo arrimah xasaasiga ah, taasoo Kheyre ka dhigtay mas’uul ay si weyn u aamineen Beesha Calaamka ee taageerta Soomaaliya.
Xaqiiqada labaad ayaa ah in Musharaxnimada Xasan Cali Kheyre ay xaalad cusub gelineyso Doorashada aan weli lagu heshiin ee la filayo inay dalka ka dhacdo, taasoo Madaxweyne Farmaajo uu weli ka caga jiidayo markii muddo kororsigii u qorsheysnaa u socon waayey, waxayna tani ifineysaa in dhibaatada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisii ugu waqtiga dheeraa ee xilka ay ku kala tageen ay tahay inay hal kursi wada doonayeen.
Culeyska heysta Madaxweyne Farmaajo waxaa caddeyn u ah inuu 50 maalmood kadib magacaabi waayey Ra’iisal wasaare cusub oo bedela saaxiibkiisii hore, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kala guurka ee uu ku jiro iyo dhibaatada uu ka dhaxlay inuu waayo Ra’iisal wasaarihii uu lasoo shaqeeyay ee uu ku tilmaamay inuu isaga ka fiican yahay.