Waxaa xalay saqdii dhexe soo shaac baxday in Warbaahinta Dowladda ay joojisay faafinta wararka Xafiiska madaxweynaha xilligiisu dhammaadya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Arrintan ayaa qeyb ka ah, loolanka awoodda ee ka dhex qarxay Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna tallaabadan timid markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho laga tiray warkii xalay kasoo baxay Farmaajo Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabadsuggida.
Waxaa Warbaahinta Dowladda ay dhinaca kale daabaceysaa Wararka Ra’iisal wasaaraha, iyadoo ay Radio Muqdisho iyo telefishinka Qaranka ka muuqdaan Qoraalka jawaabta ah ee ra’iisal wasaaraha ka bixiyey wareegtadii Farmaajo.
Wararkii ugu horeeyay ee soo baxay ayaa sheegayay in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray xubnihii Madaxtooyada Soomaaliya ee warfaafinta u qaabilsanaa, taasoo keentay inay awoodi waayeen soo gelinta wararka iyo qoraallada madaxtooyada.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in amarka meesha looga saaray in wararka Farmaajo lagu qoro warbaahinta dowlada uu bixiyay Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo amar kuga yimid Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana sid ooa kale Ra’iisal wasaaraha gacanyare u ah wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Alcadaala oo galaangal weyn ku leh Wasaaradda.
Tallaabada uu Ra’iisal wasaaraha wareegay Warbaahinta dowladda iyo inqilaabka ka dhacay xaruntaasi muhiimka ah waxay weji cusub u yeeshay dagaalka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo khilaafkoodu mar kasta isu bedeli karo in la isu adeegsado awood ciidan.
Khilaafka oo heerkii ugu sareeyay gaaray markii Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.
Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad Yaasiin ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo jawaab culus ka bixiyey arrintan ayaa isna ka hor yimid dhammaan tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo, marka laga reebo xil ka qaadista Fahad Yaasiin.
