Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Sidee Tacsida Cali Khaliif u Mideysay Soomaalida? (Akhriso: Saddex Qodob oo uu uga duwanaa Siyaasiyiinta kale)

    Sidee Tacsida Cali Khaliif u Mideysay Soomaalida? (Akhriso: Saddex Qodob oo uu uga duwanaa Siyaasiyiinta kale)

    October 9, 2020Updated:October 9, 20204 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Ali Khalif Galaydh was in Jazeera Palace Hotel in Mogadishu when a huge explosion that killed at least 13 people and injured many others occured. PHOTO | NATION MEDIA GROUP
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Soomaalida oo dhan oo ay ugu horeeyeen siyaasiyiinta is khilaafsan iyo maamulladooda waxay ku Midoobeen tacsida loo dirayo Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Somaaliya, kuna geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Soomaalida Itoobiya 8-da Oktoobar 2020.

    Madaxweynaha Federaalka, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, madaxweynayaashii hore, wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo shaqsiyaadka caadiga ah waxay baraha bulshada iyo warbaahinta ka buuxiyeen tacsi iyo amaan ay u jeediyaan Marxuumka, waxaana meel waliba lasoo dhigay muuqaallladiisa iyo taariikhdiisii nololeed, iyadoo aan hoos loo eegin xaaladda uu ku dhintay oo ahayd daryeel la’aan caafimaad.

    Waxa kaliya Soomaalida u soo haray ayaa muddooyinkii danbe noqday Tacsi qofkii dhinta loo diro iyo hambalyada qofkii xil loo magacaabo, waxayna noqdeen waxa ugu xiisaha badan ee lagu tartamo, waxaana caadi ah in Aas Qaran loogu dhigo halkii uu maamuuska Qaran ka waayey.

    Marxuum Dr. Cali Khaliif wuxuu ahaa siyaasi aad uga duwan siyaasiyiinta kale ee xilligan, wuxuuna lahaa tilmaamo u gaara oo ay ka mid yihiin:

    1- GO’AAN ADAG

    Marxuum Prof. Cali Khaliif wuxuu ahaa siyaasi go’aan adag leh oo aan ka baqan hadba talada uu goosto inuu ku dhaqaaqo, wuxuu noqday madaxweyne dowlad Goboleedka aan la aqoonsan ee Khaatumo, wuxuuna hirgelinta maamulkaasi u maray dhibaato badan iyo dagaallo ay la gashay Somaliland, wuxuuna ku danbeeyay inuu heshiis la galo Madaxweynihii Somaliland Axmed Siilaanyo Oktoobar 2017, inkastoo aan weli la fulin.

    Cali Khaliif wuxuu qeyb ka ahaa qorshe lagu doonayey in lagula dagaalamo 4.5 iyo xilka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee u xiran beelaha Daarood iyo Hawiye si aan sharci ahayn. Doorashadii 2012 wuxuu isu sharxay Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna ku sigtay inuu xilkaasi ku guuleysto, isagoo wareegii koowaad helay 77 Cod, halka Prof. Maxamed Sheekh Jawaari oo la tartamayey uu heley 119 cod, balse Cali Khaliif ayaa ka tanaasulay wareegii labaad.

    2– HADAL AAN LALA GANBAN

    Cali Khaliif ma ahayn nin ka baqa bareerihiisa, wuxuuna ku caan baxay in fekerkiisa aanu la ganban si kastoo uu u qaraar yahay, waxaana laga qoray hadallo aad u adag oo beeleed iy kuwo siyaasadeed tan iyo markii la dhisay dowladii uu Ra’iisal wasaaraha ka noqday.

    “Anigu Cali ahaan ma jiro mansab iyo dhaqaale aan ka rabo Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto… Waxaa ii muuqata Somaliland iyo hoggaanka maanta jooga Soomaaliya haddii aysan ka fiirsan arrimaha gobollada Sool, Sanaag iyo Boorame iyo Darafyada haddaan laga fiirsan wax aynu Xamar niraahno waan ula doodeynaa oo nagala dhageysanayaa ma jirto… Waa naal laayey sow maaha..? Waar Somaliland waa na leysay.. qabaa’il iyagoo ah iyo iyagoo ciidamo ah ayey na laayeen oo hubkii Somaliland magaalooyinkeena kusoo galeen.. Waar anagaan ku heysan Maxaad noo leyseen..? Anagaa rabna Somaliland oo dantayada ka aragna.. meel kale oon ku doorsaneyno ma jirto.. Cidda oraneysa Cali Khaliif yuu wataa .. Dhulbahantaba lama socdee.. waa been.. Somaliland iyo Reer Sheekh Isaaq marti uma noqoneyso ama wax baan wada yeelaneynaa ama waxba isuma nihin..” -Hadalkan wuxuu Cali Khaliif ka jeediyey dood cilmiyeed ka dhacday magaalada Burco 18 Apri 2019.

    3- SOOMAALIYA, KHAATUMO & SOMALILAND

    Allaha u naxariistee Cali Khaliif Galeyr waa siyaasiga kaliya ee noqday Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State (maamul ay si isku mida uga horjeedaan Somaliland iyo Puntland) iyo Somaliland uu markii ugu danbeysay uu hesiis la galay, sheegayna inuu ku qanacsan yahay.

    GABAGABO

    Nin heerka ugu sareeya ka gaaray aqoonta (PHD), siyaasadda heerka ugu sareeya ee Ra’iisal wasaare ka noqday, haddana ka shaqeeyay danaha Soomaalida iyo degaanada uu kasoo jeedo.. waxaa Cali Khaliif Galeyr lagu xusuusan doonaa inuu ahaa siyaasi hal adag oo Soomaalida uu ku yar in laga helo.

    GOOBJOOGE

    Ali Khalif Galaydh was in Jazeera Palace Hotel in Mogadishu when a huge explosion that killed at least 13 people and injured many others occured. PHOTO | NATION MEDIA GROUP
    Cali Khaliif Galeyr Geerida Cali Khaliif Jigjiga Tacsida Cali Khaliif
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCidda ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkan oo lagu dhawaaqay
    Next Article Qoyska Marxuum Cali Khaliif oo dalbaday in Baaritaan cusub lagu sameeyo meydkiisa iyo shaki…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo