Mar kaliya ayaa lagu soo baraarugay shirkad lagu magacaabo Shirkadda Spectrum ASA oo shaacisay inay iib gelieyso shidaalka Soomaaliya, haddaba waxaan dib u xusuusineynaa akhristayaasha halka shirkaddan kasoo gashay shidaalka Soomaaliya.
Shirkadda Spectrum ASA ee laga leeyahay dalka Norway waxay heshiis la saxiixday dowladda Soomaaliya bishii Septembar 2015, waxaana Ra’iisal Wasaare xukuumadii Cumar C/rashiid uu heshiiskaasi ku tilmaamay heshiis iskaashi, isagoo goobjood ka ahaa xafladii saxiixa ee Muqdisho ka dhacday.
HOOS KA AKHRISO WARKA AY DOWLADDA SOMALIA KASOO SAARTAY HESHIISKAASI
N.B. Warkan wuxuu boggan ku soo baxay 5 Septembar 2015
Xogta ah in Soomaaliya bilowday sahminta awoodeeda Shidaal waa tusaale cad oo muujinaya in bariga Afrika uu yahay gobolka ugu cusub ee ku soo kordhay bahda wax soo saarka shidaalka.
Haddaba iyadoo sidaasi jirto ayaa Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay ku faraxsan tahay inay baahiso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la gashay heshiis sahmin (multi-client seismic survey) shirkadda Spectrum ASA. Heshiiskaas oo lagu sahminayo dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu Sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey). Sahanka intiisa badan waxaa laga fulinayaa dhulbadeed taas oo baloogyada (blocks) ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya horey ugula heshiisay shirkada SHELL si looga abuuro xog joolijiyadeed oo casri ah loona isticmaalay farsamada ugu casrisan ee maanta ka jirta caalamka.
Sahanka cusub wuxuu dhameystirayaa xogtii laga aruuriyey 2014, dhulbadeed baaxaddiisu dhan tahay 20,000km. Sahankaan wuxuu suurtagelinayaa in si qoto dheer ah loo ogaado baaxadda shidaal ee badda Soomaaliya oo u dhow wadamada shidaalka laga helay ee Geeska Afrika.
Heshiiska wuxuu xaqiijinayaa in Dawladda Soomaaliya gacanta ku qabato xogta joolijiyadeed oo ka caawini doonta in la qeexo awoodda shidaal iyadoon wax dhaqaale ahi kaga bixin Dowladda Soomaaliya. Shirkadda Spectrum ASA waxay si caalami ah u suuqgeyn doontaa xogta joolijiyadeed ee la aruuriyey si ay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka ugu soo jeeestaan horumarinta iyo soo saarista shidaalka Soomaliya.
Wasiirka Batroolka & Macdanta wuxuu ka yiri xafladda saxiixa heshiiskaan. “Heshiiskaan taariikhiga ahi ee sahanka shidaalka Soomaaliya wuxuu bartilmaameed u yahay dib u soo nooleynta baarista shidaalka dalka, taasoo saldhig u noqon doonta horumarinta dhaqaalaha.”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Aaden, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Maareynta Maaliyadda (Financial Governance Commitee) wuxuu amaanay qaabkii loo maray diyaarinta heshiiskaan.
Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cumar Cabdirashiid Cali wuxuu xiritaanka xafladda ka yiri “War helo ayaa talo helo. Xogta sahminta waxa ay noo ogolaanaysaa in aan gaarno go’aan fiican, degsanana qorshe fiican.”
Dhamaad
[ad name=”HTML-7″]