Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Musharixiinta»Sidee Xasan Kheyre 3 sano gudahood u kordhiyey Dakhliga Dowladda..? (Qormo)

    Sidee Xasan Kheyre 3 sano gudahood u kordhiyey Dakhliga Dowladda..? (Qormo)

    April 30, 2022Updated:April 30, 20223 Mins Read Musharixiinta
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wuxuu xilka la wareegay iyadoo Khasnadda Dowladda Federaalka ay maran tahay, kaaga sii darane waxaa dowladda lagu lahaa Deyn gudaha ah oo ku dhow 100 milyan Dollar oo ay galeen dowladihii isaga danbeeyay dalka; waxaa sidoo kale jiray shaqaale dowladeed, xildhibaanno iyo ciidamado ay ka maqan tahay xuquuq Mushaar muddo bilooyin ah.

    Goobtii uu Xasan Cali Kheyre ku saxiixay xil wareejinta 2-dii Maarso 2017 ayaa xaqiiqadani kasoo shaac baxday, markii Ra’iisal wasaarihii xilka wareejinayay ee Cumar C/rashiid la weydiiyey xaalada Khasnadda Dowladda.

    Wuxuu la kowsaday xaaladaas adag oo dalku ku sugnaa dhinaca dhaqaalaha. Waxaa aad u yaraa Dakhliga dowladda soo gala, balse dhaqaalaha dowladda ayaa ahaa mid lagu takri falo. Tusaale ahaan Dakhliga dowladda soo gala horaantii sanadkii 2017 waxaa qaadi jiray oo dakhliga magaca dowladda ku ururin jiray  ilaa 21 Wasaaradood iyo 7 shirkadood oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo heshiisyo gaara kula jiray dowladda oo ay ku helayaan lacagaha ay qaadaan saami dhan 49% ilaa 55%.

    Saddexdii bilood ee ugu horeysay  isla markii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu qaatay laba  go’aan oo adag, wuxuu uu ku howlgalay kordhinta Dakhliga dowladda soo gala, dhinaca kalena dagaal aan afka ahayn ku qaaday musuqmaasuqii baahsanaa ee ka taagnaa nidaamka dakhli ururinta dowladda.

    Dagaalkaasi adag wuxuu ka hor imaanayey dano ay lahaayeen dad kala duwan oo qaarkood awood lahaayeen, laakiin wuxuu Xasan Kheyre halganka ka bilaabay xafiiskiisa, isagoo joojiyey lacagihii tageerada dowlaadda ee lasoo marsiin jiray ‘shaqsiyaad gaara’. Wuxuu amray in wixii kharash ah lagu shubo Bankiga Dhexe ee Dowladda.

    April 2017 wuxuu Xasan Kheyre Wareegto ku joojiyey Canshuur-dhaafkii sida khaldan looga faa’iideysan jiray ee loo sameyn jiray ganacsatada iyo Dad gaara oo dalka keena Badeecadaha kala duwan.

    – Waxay xukuumaddu jebisay, kana baxday dhammaan heshiiyadii lacag ururinta dowladda ee 17 shirkadood oo dowladda heshiis, kula jirtay, iyadoo loo wareejiyay Wasaaradaha dowladda inay la wareegaan shaqadaasi.

    -Waxaa kaloo 21 wasaaradood laga joojiyey inay toos u qaadaan lacagaha iyo khidmooyinka, iyagoo lagu amray inay kharashka u wareejiyeen wasaaradda Maaliyadda.

    Kheyre wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro qofkii ama mas’uulkii lagu qabto ‘Musuq’, isla markaana aan laga daba imaan karin.

    Waxaa bilowday isla xisaabtan, kormeer joogto ah iyo shaqo adag oo sanad gudihiisa mira-dhal ku noqotay, waxaana sare u kacay dakhliga dowladda.

    Natiijadii shaqadaas adag waxay noqotay mid la wada qiray, sababtoo ah waxay xukuumadii Kheyre xilka qabatay iyadoo miisaaniyadda dalka ay tahay 168 Milyan oo Dollar, wuxuuna kheyre xilka ka degay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee 2020 ay gaartay 646.9 Milyan oo Dollar.

    Arrimaha xusidda mudan waxaa ka mida la kordhiyey Kharashka dowladda ku bixiso Adeegga bulshada oo 2017 ahaa $8.3 Milyan Dollar, waxaana 2020 la gaarsiiyey lacag gaareysa $64.5 Milyan.

    Waxaa bilaabtay in dunidu la macaamisho Hay’adaha Maaliyadda dowladda Federaalka, si toos ahna taageerada dhaqaale loogu shubo Bankiga Dhexe, waxayna Soomaaliya qeyb ka noqotay mashruuca IMF ee ‘Special Drawing Rights’ oo Soomaaliya ka heleyso sanadaha soo socda lacag boqolaal milyan oo Dollar ah.

    Xasan Cali Kheyre wuxuu dalka soo gaarsiiyey heer Soomaaliya noqotay dal tusaale ahaan loogu soo qaato horumarka uu ka sameeyay deyn cafinta iyo fulinta shuruudaha Hay’adaha Dunida u dhigeen dalalka qaameysan.

    Wuxuu muujiyey hoggaan karti leh oo ay ka go’an tahay shaqo iyo ka guul gaarista howlaha Qaran, wuxuuna mudan yahay in la siiyo furada uu dalka ku hoggaamiyo.

    W/Q: Guuleed Saalax Axmed

    Kheyre Musharax Xasan Cali Kheyre Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaannadii Garbahaarey oo Qalalaase ka abuuray Xarunta Baarlamaanka iyo Buuq ka taagan..
    Next Article Xildhibaan kashifay sida Xildhibaannada Garbahaarey ku galeen Xarunta Villa Hargeysa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo