Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sidee xilka ku weyn karaan Guddoomiyaha & ku xigeenada Baarlamaanka..? [Akhiso Xeer hoosaadka Baarlamaanka]

    Sidee xilka ku weyn karaan Guddoomiyaha & ku xigeenada Baarlamaanka..? [Akhiso Xeer hoosaadka Baarlamaanka]

    March 20, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa si weyn loo hadal hayaa qaabka loo marayo xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii mooshin laga keenay la isku waafaqay in la guda galo.

    Qodob kamida dalabkii Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) hordhigay madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsanaa in cod-bixintu u dhacdo si qarsoodi ah, taasoo ku cad xeer hoosaadka Baarlamaanka, ahna qaabkii hore lagu doortay guddoonka Baarlaaanka.

    HADDABA HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD EE XEER HOOSAADKA OO CADDEYANA ARRINTAN

    Qodobka 9-aad:

    Xil Waayidda Guddoomiyaha Golaha iyo Labadiisa Ku-xigeen.

    1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:
    a) Geeri
    b) Istiqaalo qoraal ah oo uu soo gudbiyay Golaha ama mid oraah oo uu ka sii daayay warbaahinta
    c) Maqnaansho cudurdaar la’aan ah oo gaaraysa 45 cisho oo isku xigta.

    d) Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha, ama shuruucda Qaranka.
    e) Xil gudasho la’aan joogta ah sida:
    i. Dhimirkiisa oo wax u dhiman (Waali), taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo gudi takhaatiir ah oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay
    ii. Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo gudi takhaatiir ah oo la aqoonsan yahay, laguna kalsoon yahay
    iii. Mar walba oo ay muddadu ka dhammaato
    iv. Xukun Kama danabeys ah ay ku riday maxkamad awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yarayn lix Bilood (6).
    2. Moshin xil ka qaadis ee ku saabsan Xubin kasta oo ka mid ah Guddoonka Golaha, kuna salaysan asbaabaha ku xusan faqradda 1aad, xarfaheeda c,d,e (i,ii, iii,iyo iv), waxaa keeni kara xildhibaano aan tiradoodu ka yarayn seddax meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyad seddax meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee Golaha.
    3. Soo jeedin moshin xil ka-qaadis ee ku aadan guddoomiyaha/ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababeysan oo ku saleysan sharciga.
    4. Moshinka xil ka-qaadista waxaa laga doodayaa loona codeynayaa (10) cisho oo maalin shaqo ah gudahood, laga bilaabo taariikhda moshinka la keeney Golaha.
    5. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:
    a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.
    b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.

    Mooshin Mooshnka Jawaari Top XEER HOOSAADKA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Daahir Jeesow oo si weyn u weerarray Wakiilka Q/Midoobay iyo Beesha Caalamka
    Next Article SAWIRRRO: Mid ka mida Wadooyinkii u xirnaa Taliska Ciidamada Booliska Muqdisho oo dib loo furay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo