Dowladda Soomaaliya ayaa sii haye safiir u magacawday safaarada Soomaaliya ee magaalada Addis ababa, kadib markii hore xilka looga qaaday safiirkii hore Axmed C/salaan Xaaji Aadan.
Sii-haya safiirka ayaa waxaa loo magacaabay agaasimihii hore ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Nuur oo dhowaan xilkii xafiiska Ra’iisal wasaaraha laga qaaday, waxaana la filayaa in safiir buuxa dib laga magacaabo.
Dowladda Itoobiya ayaa aqbashay magacaabista sii-hayaha cusub ee safiirka Soomaaliya magaalada Adis ababa iyo wakiilka Soomaaliya u fadhin doona Midowga Afrika oo ah jago muhiim ah.
Xil ka qaadista Safiirkii hore ayaa iso-daba maris ka dhacay kadib markii qoraal wasaaradda arrimaha dibadda u dirtay si uu Muqdisho u yimaado oo shaqeyn waayay (AKHRI WARKA XIL KA QAADISTA AXMED C/SALAAN IYO FADEEXADII KA DHACDAY SAFAARADDA ADDIS ABABA).
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]