Waxaa magaalada Nairobi lagu afduubtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Liibaan Cabdulle Cumar, kaasoo ka mid ahaa saddex nin oo loo heystay weerarkii Alshabaab ku qaaday Maal-ka Westgate, kaas oo maxkamaddu ay sii deysay labo maalmood kahor markii lagu waayay wax denbi ah.
Sida ay qortay warbaahinta Kenya markii Liibaan lasii daayey ayaa xubno ka tirsan qoyskiisa uu la raacay Gaari, daqiiqado kadibna waxaa Gaari ku hor gooyay oo waddada u galay oo Gaari ay wateen koox hubeysan, iyagoo afduubtay, kana watay goobt.
Qoyska Liibaan ayaa xaaladda Liibaan ku wargeliyay Hay’adaha Amniga iyo Sharciga ee Kenya, mana jirin wax laga qabtay arrintiisa. Qareenka Liibaan oo lagu magacaabo Mbugua Mureithi ayaa sheegay in raggan afduubtay Liibaan ay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka, siiba sirdoonka dalkaasi.
Booliiska ayaa ka gaabsaday arrintan, iyagoo diiday inay faahfaahin ka bixyaan kiiskan. Arbacadii, labo nin oo u dhashay Kenya ayay maxkamaddu ku xukuntay xabsiyo kala duwan inay gacan ka geysteen weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.
Liibaan Cabdulle Cumar oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii weeraray Westgate, wuxuu ahaa eedeysanihii saddexaad maxkamadda ayaana sii deysay markii lagu waayay caddeyn.
