Waxaan kala caddeyn xaalada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, kadib markii sirdoonka Mareykanka laga soo xigtay inuu xanuunsanayo oo xaaladiisa caafimaad ay liidato.
Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo South Korea ayaa sheegaya in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya aysan fiicneyn, taasoo ay ugu wacan tahay isagoo kasoo muuqan waayey dabaaldeggii loo sameeyay Xuska awowgiis ee 15-ka April oo aanu weligiis ka maqnaan.
Kim Jong Un waa 36 sano jirka miisaankiisu culus yahay, isla markjaana sia darran u caba sigaarka, taasoo dhalisay in xididda Wadnaha qalliin looga sameeyo, yadoo markaas kadib la sheegay inuu xaalkiisa caafimaad sii xumaaday, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladda Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya oo si weyn loo ilaaliyo.
Xafiiska Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in ayaa laga soo xigtay inuu madaxweynaha W/Kuuriya ku sugan yahay meel fog oo miyi ah oo ay la joogaan kaaliyeyaashiisha, wax dhibaato ah aan lag soo sheegin.
Dalalka Mareykanka iyo K/Kuuriya ayaa si toos ah ula socda xaaladda Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un oo saameyn weyn ku yeelan doonta.