Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Sixiroole 25 sano ka shaqeysanayay falka oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

    Sixiroole 25 sano ka shaqeysanayay falka oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

    May 8, 20172 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada booliska Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga  dhigay  nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasi oo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.

    Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda, wuxuuna soo bandhigay alaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwasoo ka  koobnaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud  iyo waxyaabo kale oo la misku tidcay.

    ‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’’ Ayuu yiri taliyuhu.

    Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano uu  rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo Alaabo kale oo qashin u badnaa oo lagu qabtay.

    ‘’Muddo 25-sano ah ayaan joogay Boosaaso oo aan garaacayay Mingiska iyo Rooxaanta, anniga oo jiifa oo Qaad cunaya ayaa la iso xiray, waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws waa wixii aan Rooxaanta ku garaacayay’’ Ayuu yiri Maxamed Cismaan, wuxuuna intaas ku daray.

    ‘’Lafaha Rooxaanta ayaan kuso dejinaa, waana sharaxnaa Lafaha ka dibna waxaan saarnaa cawska, dadka lacago ayaan ka qaadanaa, kuwo Konton Doolar ayaan ka qaadi jiray, halka kuwo kalena aan lacago kale ka qaadan jirnay’’.

    Dhinaca kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ninkan lagu eedeeyay Sixirka,  ay ugu yeereen Sheekh Cabdul Xaq oo ka mid ah culumadda dadka ku daaweeye Quraanka si u waraysto, uuna u hubiyo awooda uu leeyahay sixirkiisa

    ‘’ markii uu soo galay ayuu gariiray ninku, wuu u waramay, wuxuu Shiikha u balan qaaday inuusan u noqonayn hawshan, Sharciga ayaan horgeynaynaa ninkaan’’ Ayuu yiri taliye Yuusuf Axmed.

    Taliyigu wuxuu kaloo sheegay  inay jiraan dad badan oo xanuunsan oo ka cabanayay in la sixray, isagoo xusay in kiiskan la daba joogay, cid kasta oo Saaxiriin ah oo magaalada joogta la qaban doono.

    Gabagabdii, Taliyuhu wuxuu sheegay inay Maxkamadi horgayn doonaan Ninkan saaxirka ah iyo dadka La shaqaysta, waxaa kaloo uu sheegay inay bilaabayaan olole ballaaran oo lagu soo qabqabanayo dadka ku shaqaysta Sixirka ee dhuumanaya Bosaso, isagoo ka codsaday dadka inay feejignaan muujiyaan, kana fogaadaan Saaxiriirta.

    Boosaaso Sixiroole
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Taliye cusub u magacaabay Nabadsugidda Gobolka Banaadir
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo su’aalo adag kala kulmay Waxgradka Degmada Afgooye [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo