Musharax cusub oo aan la fileyn ayaa ku soo biiray tartanka xilka madaxweynaha Galmudug oo doorashada lagu wado inay aakhirka bishan dhacdo.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Galmudug.
Wareysi uu siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayuu ku sheegay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, isla markaasina xaq u leeyahaya inuu u tartamo xilkaasi.
C/raxmaan Odowaa ayaa qeyb weyn ka qaatay dhismihii maamulka Galmudug xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo markaasi uu qeyb ka ahaa dowladii Xasan Sheekh iyo kooxii Damjadiid ee suuragelisay inuu xilkaasi ku soo baxo C/kariin Guuuleed.
Wadani.com