Mid ka mida wasiiradii xukuumadii hore iyo saaxiibadii ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo laabtay.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dalka ka tegay kadib doorashadii 8-da Febraayo ee isbedelka keentay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xildhibaanadda sida weyn u taageersan xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ololaha taageero u raadinta xukuumadda cusub ayaa waxaa hormuud u ah xildhibaano iyo wasiiradii xukuumadii hore ee waqtigeedu dhammaaday.
Wasiir Mahad Salaad ayaa dhowaanahan qormooyin oo uu naqdinayo hogaanka sare ee dowladda cusub soo dhigay baraha bulshada, taasoo dad badan u qaateen inuu ka horjeedo dowladda cusub, balse wuxu taageeray xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Kheyrre.
Wadani.com