Siyaasi garabka midig ee cunsuriyeen dalka Holland ka tirsan oo si weyn uga horjeeday diinta islaamka ayaa noqday muslim.
Ninkan oo lagu magacaabo Joram Van Klaveren ayaa ka mid ahaa xisbiyada midigta ee Dalka Holland, wuxuuna mar badan aflagaado u geystay diinta islaamka iyo quraanka, isagoo wixii dhibaato iyo dib u dhac ah ku sifeyn jiray inuu islaamka mas’uul ka yahay.
Qisada keentay inuu islaamo ayaa timid kadib markii uu damcay inuu qoro buug uu ku ceebeynayo diinta islaamka, isagoo bilaabay baaritaan, balse waxaa u soo baxday in diinta islaamka ay tahay tan saxda ah, isagoo markii danbena qaatay kuna biiray muslimiinta.
HOOS KA DAAWO