Waxaa maanta magaalad Hargeysa dib ugu laabtay senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaasoo xilka guddoomiyaha aqalkaasi kula tartamay Cabdi Xaashi C/llaahi.
Mustafe Maxamed Qodax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa dhowaan shaaciyey inuu iska casilay Senator-nimadii Aqalka sare ee Soomaaliya, isagoo codsi cafis dalab ah u dirsaday maamulka Somaliland, waxaana uu maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.
Ninkan ayaa intii aanu ku biirin siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee xilalka u taga Muqdisho wuxuu ka tirsanaa Xisbiga Wadani oo uu ka noqday xoghaye, wuxuu kaloo noqday agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Somaliland.
Wuxuu Mustafe Qodax ka mid noqday siyaasiyiinta u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa ee xilalka ka qabta dowladda Federaalka, kadibna cafis-ka weydiista Somaliland ee dib ugu laabta degaankiisii.
