Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul ugu fal celiyay wareysi lala yeeshay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ku saabsan xaaladda Galmudug.
Cali Xaaji Warsame ayaa fariin kooban oo soo dhigay bartiisa twiter-ka isagoo uga jawaabaya hadal ka mid ahaa wareysi lala yeeshay Fiqi oo Madaxweyne Farmaajo ugu hanjabaya in Galmudug ay tahay meeshii dumisay ee ceyrisay dowladii hore (Siyaad Barre).
Farriinta siyaasiga Cali Xaaji ayaa ahayd: “HADAL MOORYAANIMO”, isagoo sii raaciyay. “Runtii hadalkaas Xildhibaanka Qaran uma ekeyn in uu isticmaalo, khaasatan markii uu ka hadlayo khilaaf siyaasadeed oo berri la xallin karo..”

Xildhibaan Fiqi ayaa jawaab ka bixiyay hadallada kasoo yeeray siyaasiga Cali Xaaji, wuxuuna sheegay inuusan la yaabaneyn taariikhda Cali Xaaji. “Lama yaabayo hadaaqa Cali Xaaji ayadoo la wada og yahay taarikhdisa madow ee Mudug iyo tii ka sii horeysay, maantana iska dhigo shariif…” ayuu jawaabtiisa ku yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Haddallo ka mid ahaa wareysiga Xildhibaan Fiqi ayaa dad badan u arkeen qaar ka maran siyaasad oo qabyaalad iyo hanjabaad beelleed ay ka buuxaan, waxaana si weyn baraha bulshada uga cambaareeyay Soomaali fara badan.
Wadani