Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee Wadani ayaa ka hor yimid heshiiska Somaliland la gashay Shirkadda DP World iyo Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Maamulka Somaliland ay khalad ku tahay in 30% kaliya ay qaadato Dekadii ay lahayd ee Bebera, halka 70% ay kuwareejisay dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Itoobiya oo leh awoodda oo dhan.
Ismaaciil Buubaa oo xisbigiisa Wadani ka hor yimid heshiiska ayaa ayaa sheegay in Somaliland loo baahnaa inay qaadato ugu yaraan 51% taasoo u suuragal ka dhigi lahayd inay qaadan karto go’anada dekadda laga gaarayo.
Wuxuu ku dooday Ismaaciil Buubaa in heshiiska go’aanka Saamigaasi lagu siiyay Itoobiya iyo Imaaraadka ay tahay mid dhaawici karta dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay madaxbanaani ku gaarto.