Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya Maamulka Somaliland ayaa uu sabab uga dhigay arrintan inuu Buubaa watay Baasaboor Diblomaasi oo Soomaali ah, isagoo ku sii jeeday dalka Kenya.
Saraakiisha Garoonka diyaaradaha Hargetsa ayaa u diiday Buubaa inuu ku dhoofo Baasaboor Diplomasi ah oo dawlada Somaliya leedahay. Buubaa ayaa diiday inuu Baasaboorkiisa bedelo ama uu qaato baasaboorka Somaliland.
Siyaasiyiinta Somaliland ayaa adeegsaday Baasaboorka Soomaaliya iyagoo dadkooda u sheega inay ku dhoofaan Baasaboorka Somaliland.
Ismaaciil Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland ee u ololeysa Midnimada Soomaaliya ayaa Hargeysa tegay isagoo sheegay inuu ka tanaasulay fekerkiisii, wuxuuna hadda ka mid yahay xisbiga mucaaradka ee Wadani.
Wadani