Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Abgaal ayaa bilaabay inay isu sharxaan xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub e Hirshabeelle kadib markii xilka madaxweynaha si hoose loo siiyay Beesha Xawaadle.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee isu sharxay xilka Madaxweyne kuxigeenka Maamulka goboleedka Hirshabeelle, iyadoo lagu wado inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa.
Siyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan Beeshan oo si weyn uga hor yimid inay qaataan xilka madxaweynaha ayaa cadaadis uga yimid IGAD iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana arrintan loo sameeyay si loogu qanciyo Beesha Xawaadle [Akhri xogtan].
Lama oga in musharixiin kale ay xilkan isu sharxi doonaan, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inta badan Beesha Xawaadle ay ku qanceen, isla markaana la filayo in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu dhowaan taho Jowhar.
Wadani.com