Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaanka u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa qaadcacay Habraacyadii kasoo baxay Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashada, waxayna qoraal ay soo saareen ku caddeeyeen inaysanraali ka ahayn qaabka ay Madasha watashiga Qaran u wajahday arrimaha Somaliland.
War-Saxaafadeedka hoos ka akhriso
Ugu horrayn, waxaanu soo dhoweynaynaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaadhisteeda loo daayey Hogaamiyayaasha Siyaasadeed iyo dhaqanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Somaliland. Hase ahaatee waxaanu Madasha Wadatashiga Qaranka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee Doorashada u caddeynaynaa in aannan raali ka ahayn qaabka ay Madasha watashiga Qaran u wajahday arrimaha hoose:
1- Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo
leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.
2- Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee
ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.
3- Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska RW xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.
Ugu dambeyn, waxaanu cadeynaynaa in siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland u taagan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta wadajirka Soomaaliya, ayna xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan aayahooda oo ay qabsadaan doorasho madaxbanaan, hufan oo xor iyo xalaal ah.
