Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 11
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Siyaasiyiinta Hawiye oo ku Midoobay Hambalyada aan loo kala harin ee Axmed Madoobe [Akhriso]

    Siyaasiyiinta Hawiye oo ku Midoobay Hambalyada aan loo kala harin ee Axmed Madoobe [Akhriso]

    August 22, 2019Updated:August 23, 20194 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, wasiiro hore iyo madaxweynayaal hore oo maamul Goboleed ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markii saddexaad xilka madaxweynaha Jubbaland loogu doortay magaalada Kismaayo.

    Siyaasiyiintan ayaa dhammaantood kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxayna ka mideysan yihiin inay mucaarad ku yihiin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dowladiisa ay si weyn uga horjeedo doorashada Axmed Madoobe mudo dheerna khilaad kala dhaxeeyay. SXubnaha hambalyada u diray Axmed Madoobe waxaa kamida: madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed, C/kariin Guuleed, Axmed Ducaale Xaaf, Thabit Cabdi Maxamed, Abshir Bukhaari iyo xubno kale.

    HOOS KA AKHRISO DHAMBAALLADA HAMBALYADA EE AY DIREEN


    XASAN SHEEKH MAXAMUUD: -Madaxweynihii hore ee Somalia

    “Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe. Waxaan xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo uma dhammeystiro baahiyaha dib u Dhibka oo ay ugu horreyo AMNIGA. Guul iyo Nabad insha Allah” -XASAN SHEEKH-


    AXMED DUCAALE GEELLE XAAF – Madaxweynihii hore ee Galmudug

    “Waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa Mudane Ahmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Waxaan ku rajeynayaa in Eebe kugu asturo masuuliyadda culus ee laguu igmaday, shacab weynaha Jubulandna aad u horseedo Nabad iyo Horumar waara” -XAAF-


    C/KARIIN XUSEEN GUULEED: – Madaxweynihii hore ee Galmudug

    Hambalyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo maanta baarlamaanka Jubaland u doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka mudada afarta sano ah ee soo socota, waxaana mudanaha Rabi oga rajeynayaa inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday. -C/KARIIN GUULEED-


    THAABIT CABDI MAXAMED – Duqii hore ee Muqdisho

    “Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee DG Jubbaland Mdne Axmed M. Islam. Allaha u fududeeyo xilka ummadda ee ammaanada ah. Sidokale hambalyo musharixinta kale, si gaar ah musharax Canab M. Dahir oo natiijo fiican keentay, tusaale kudayasho mudanna u horseeday Haweenka Soomaliyeed. Madaxweyne Axmed waxaan kula dardaarmaya inuusan noqon Guuleyste balse noqdo Hoggaamiye isu keena mucaarad & muxaafadba maadaama labaduba ay kuwada abtirsadaan magaca Jubaland. Sidokale inta samaha jecel waxay kaa rajeynayaan inaad nabadoonnimadii lagugu yaqiin wax ku xeerisid. Ugu dambeyn, waxaan Dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in xalka dhabbe kale loo maro, saan arooryaadna dib loo raacin, oo tanaasul la muujiyo. DOWLADNIMADU WAA TACAB, TACABKUNA WAA ISKAASHI.” -THABIT CABDI-


    ABSHIR MAXAMED AXMED BUKHAARI – GUDDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE AQALKA SARE

    “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Axmad Maxamed Islaan “Madobe” oo maanta mar labaad loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka #Jubbaland. Waxaana u rajeynayaa in mudadiisa xilhaynta uu ku guuleysto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Soomaaliya..” -ABSHIR BUKHAARI-


    SHARIIF SHEEKH AXMED -Madaxweynihii hore ee Somalia

    “BISMILLAAH.. Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkeey Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ee Soomaaliya. Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu waxbadan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland. Waxaan markale u mahad celinayaa guddigii doorashada iyo baarlamaanka 2aad ee Jubaland, aniga oo ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Jubaland. Waxaan ugu baaqayaa reer Jubaland inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulkooda, qaybna ka noqdaan geediga dib loogu dhisayo guud ahaan Soomaaliya.” -SHARIIF SHEEKH AXMED-


    DAAHIR MAXAMUUD GEELLE – WASIIRKII HORE EE WARFAAFINTA

    Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somalia Daahir Maxamud Geelle

    “Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha dowlad- goboleedka Soomaaaliyeed ee #Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam doorashada mar kale loo doortay xilka madaxweynenimada. Sidoo kale waxaan u hambalyaynayaa Gudoonka cusub ee Barlamaanka labaad ee Jubbaland..” -DAAHIR MAXAMUUD GEELLE-

    C/raxmaan C/shakuur – hoggaamiyaha xisbiga Wadajir

    “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Waxaan madaxwyenaha la doortay u rajaynayaa guul iyo ka mira dhalinta hawlaha horyaal. Madaxda dawlada federaalka ah ee diiday natiijada doorashooyinka Jubbalad waxay isku marag fureen in ay Federaalka ka soo horjeedaan oo ay doonayaa nidaam xarun dhexe ka talis ah..” C/RAXMAAN C/SHAKUR

    Axmed Madoobe Doorashada Axmed Madoobe Doorashada Jubbaland Kismaayo Siyaasiyiinta Hawiye Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePresident of Somali state of Jubbaland re-elected in divisive vote
    Next Article Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Ciidamada Dowladda Somalia [Akhriso Magacyada]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo