Siyaasiyiinta Midowga Musharixiinta K/Galbeed ee ka horjeeda Madaxweynaha muddo kororsiga sameeyay ee C/casiis Lafta-gareen ayaa ogolaaday Qodob ay markii hore diideen, kadib waanwaan uu la galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulankii labaad ayaa markii labaad xalay labada dhinac ku dhexmaray Hoyga Sheekh Aadan Madoobe, waxaana qoraal laga soo saaray lagu sheegay in Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed horumar lagu gaaray.
Siyaasiyiinta iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la sheegay inay isla qaateenin laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magalada Baydhabo, Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen Musharixiinta.
Warka uu faafiyey xafiiska Sheekh Aadan Madoobe ayaa lag usheegay in arrimaha qaarkood laga heshiiyay, halka qaarka kalena shirka lagu xalin doono.
Sidoo kale waxaa wax laga xumaado lagu tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, iyadoo Guddoomiyaha Golaha shacabka loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo sidii Guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd.
