Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa si weyn baraha bulshada ugu weerarray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, kadib markii uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).
C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu lasoo baxay wejigiisii dhabta ahaa, wuxuuna ku eedeeyay inuu aqoonsaday doorasho musuq iyo awoo sheegato ku timid oo dowladda Federaalka ay u boobtay musharaxii ay wadatay.
Weerarka baraha bulshada ka socda ee safiir Yamamoto iyo safaradda Mareykanka waxaa ka qeyb qaatay aqoonyahanno iyo dadweyne faallo ka bixiyey qoraalka safaaradda Mareykanka kasoo saartay doorashadii Galmudug, waxayna ku kala qeybsameen go’aanka Mareykanka, laakiin siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Federalka oo Mareykanka xiriir la lahaa ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ay saameynta ku yeelatay.
Jawaabaha ay bixiyeen xildhibaannada Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, xildhibaan C/risaaq Cumar iyo falanqeeyaha siyaasadda mucaaradka Prof. Xasan Sheekh ayaa laga hadal hayaa baraha bulshada, waxaana Mareykanka ku biiray oo Madaxda cusub ee Puntland u hambalyeeyay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, taasoo aanay dad badan soo hadal qaadin.
Arrinta caqabada ku noqotay siyaasiyiinta Mucaradka ee dhaliilay safaaradda Mareykanka, sida weyn uga hor yimid doorashadii dowladda Soomaaliya ka qabanqaabisay Galmudug ayaa ahayd inay ka qeyb galeen Doorashadii muranka badan ka taagnaa ee Axmed Madoobe, iygoo ku faraxsanaa, una qiil sameeyay doorashadii Kismaayo ka dhacay Ogost 2019 oo la mid ahayd ama ka liidatay tan ay ka horjeedaan e Dhuusamareeb Janaayo 20
Dad badan ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay inay sameeyeen munaafaqnimo siyaasadeed markii ay taageereen Doorashadii Axmed Madoobe diyaarsaday, ayna ka hor yimaadeen tii uu kusoo baxay Axmed Qoorqoor.
Weerarka siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda ku qaadeen Safiir Yamamoto ayaa gaatay inay dadka ugu baaqaan inay saxiixaan mooshin Internetka ah oo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya looga dalbanayo inuu xilka isaga tago.
Siyaasiga kaliya ee labada doorasho taageeray wuxuu noqday Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb galay doorashadii Kismaayo ee Axmed Madoobe, shalayna hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaase la yaab lahayd inuu weerar afka ah kala kulmay xildhibaan Mahad Salaad oo Kismaayo ku faraxsanaa, laakiin wixii Dhuusamareeb ka dhacay aad uga hor yimid.
Madaxa Hay’adda Cilmi baarista Heritage C/rashiid Xaashi ayaa feker ka duwan laba dhinac ee taageerada Mareykanka isku haya qaatay isagoo diray farriintan; ” Hambalyada ay Mareykanka iyo Shiinaha u direen hoggaamiyaha Galmudug ama haddii awood dibadeed aqoonsan weyso ma aha arrinta meesha taalla, taasna ma go’aamineyso waxa dhici doona, hoggaamiyeyaasha gudaha ayaa go’aamin doona halka aanu meeshan laga aadayo..”