Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa qaadacay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ee uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta ku jira dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa lagu sheegay in magacaabidda guddigan ay tahay cadaalad darro sii kordhineysa tacadigii lagula kacay dhinacooda, waxayna mar kale ku celiyeen inay bannaanka ka taagan yihiin Doorashada 2016 oo aanay ka qeyb galeynin ilaa la xaliyo cadaalad darrada.
AKHRISO QORAALKA
Wadani.com