Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Siyaasiyiinta Puntland oo Deni ugu baaqay inuu joojiyo Doorashada aan heshiiska lagu ahayn

    Siyaasiyiinta Puntland oo Deni ugu baaqay inuu joojiyo Doorashada aan heshiiska lagu ahayn

    May 15, 20233 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku jiraan madax hore iyo siyaasiyiin caan ah oo 14-15-kii May 2023 shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa uga digay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu qabto Doorasho aan heshiis lagu ahayn.

    Shirkan aaladda fogaan aragga (Zoom) uga qeyb galay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake iyo Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Waxaana shirka lagu falanqeeyay geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland, gaar ahaan doorashada golayaasha deegaanka.

    Sidoo kale waxaa shirku dul istaagay isku dayga xukuumadda Puntland ay ku doonayso wax-ka-bedelka dastuurka Puntland iyo duulaanka magaalada Laascaanood.

    Shirku isku-raacay go’aamada hoos ku xusan:

    1- Inta laga helayo doorashooyin loo dhan yahay kuna dhisan dastuurka, xeerarka kale ee Puntland iyo habraacyada doorashooyinka, shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro amni iyo qalalaase siyaasadeed oo Puntland ka dhalata. Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay soo fariisato miiska wadahadalada si looga wada xaajaysto xaaladda kala-guurka ee Puntland iyo sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.

    2- In la joojiyo furidda iyo wax ka bedelka dastuurka dowladda Puntland maadaama hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta xilhayntoodu gabaabsi tahay isla markaasna aanay ka turjumayn baahiyaha shacabka Puntland. Horey waxay xukuumaddu u diiday wax ka bedelka dastuurka iyadoo ka eegaysay danaheeda gaarka ah

    3- In doorshada Golaha Wakiilada iyo Madaxweynahu ay ku dhacaan waqtigoodii dastuuriga ahaa ee loo asteeyey. Shirku wuxuu garwaaqsan yahay isku day kasta oo muddo kororsi ah in uu keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni oo aan la mahadin doonin.

    4- In shacabka Puntland ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida dhulka Puntland oo tacab iyo dhaqaale badan ka galay. Shirku wuxuu ugu yeerayaa hay’adaha amniga ee Puntland in ay gutaan waajibkooda dastuuriga ah ayna dhowraan nabadgelyada, sharafka iyo hantida shacabka Puntland.

    5- In Hay’adaha amnigu ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo in loo adeegsado dano gurracan, waxaan si gaar ah uga digaynaa Ciidanka Booliiska Puntland iyo Ciidanka badda Puntland (PMPF) in aan loo adeegsan in lagu khal-khal geliyo amniga Puntland.

    6- In Golaha Wakiillada Puntland ee waqtigiisu gabaabsiga yahay aanay Puntland u horseedin xasilooni darro siyaasadeed iyaga oo eeganaya dano gaar ah. Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa guddoonka Golaha Wakiilladu in aanu baarlamaanka ku dirqin dano gurracan oo madaxtooyada looga soo dhiibay.

    7- In isimada iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland ay qaataan kaalintoodii shariifka ahayd ee ay ku lahaayeen midnimada iyo xasiloonida Puntland isla markaasna ay si dhow ula socdaan khatarta ku soo fool leh Puntlad.

    8- In beesha caalamku aanay dhaqaale ku bixin doorasho aan loo dhammayn ee xukuumaddu waddo taasoo horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo Puntland ka dhaca.

    Doorashada Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskari Dil geystay oo laga soo qabtay Dalka Koonfurta Sudan, lagana soo dejiyay Muqdisho
    Next Article Iska hor imaad ka dhashay Doorashada Puntland oo ka dhacay Magaalada Garowe

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo