Hooyada iyo aabaha dhalay Marwada u dhaxda Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump oo ah sodoh iyo sodog ayaa la siiyey dhalashada Mareykanka iyagoo noqday muwaadiniin Mareyka, waxaana loo sameeyay xaflad gaar ah.
Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, waxayna ku noolaayeen dalka Mareykanka iyagoo isticmaalaya Green Card-ka, iyadoo dhaarta muwaadinnimada ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.
Waalidka Xaaska Madaxweynaha Mareykanka waxay dalkaasi ku joogeen degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaan oo ay gacan ka siisay Melania. Madaxweyne Trump ayaa diidan, kana hor yimid qaabka ay shacriga ku heleen qoyska xaaskiisa, wuxuuna hore u dhaliilay dadka Maraykanka ku soo gala qoysnimada.
Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga.
Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta siiyo faahfaahin intaas ka badan.