Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxiixday deeq lacageed dhan €100 (Boqol milyan oo Euro) oo Midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.
Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan lacagtan dhan €100 Milyan.
Wasiirka Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.
“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.
Midowga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.