Dowladda Somalia ayaa ku gacan seyrtay martiqaad uga yimid Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ku saabsanaa warbixin ay ka bixiso Dacwadda Xuduudka Badda ee Kenya ay ka furtay Midowga Afrika.
Sida uu qoray wargeyska The Star ee magaalada Nairobi, wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa iska diiday martiqaadka Guddiga midowga Afrika, waxaana ay qoraal ay u dirtay ku sheegtay inay kalsooni ku qabto Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ioo kiisku ka furan yahay, ayna munaasib ahayn in meel kale arrintan looga hadlo.
Jawaabta Somalia ayaa timid 21-kii bishan Ogost, kadib markii Kenya ay dacwaddan geystay Midowga Afrika, waxaana Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ay qoraalkeeda ku sheegtay inaysan Somalia aqbali karin codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda ka sooto maxkamadda ICJ . Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka gaarista dacwada, isla markaana aaney wax heshiis ah arrintan kala geli-doonin kiiska badda.
Waxaa la filayaai n Maxkamadda ICJ ay dib u anbaqaadi doonta dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya bisha soo socota ee September iyadoo so0oon doonta 9-13-ka.