Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in Diyaarad siday Dawooyin loo diiday in ay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada laasacaanood ee Gobalka Sool.
Diyaarada oo la sheegay inay siday Daawo ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la doonayey in lagu soo qaado dhaawacyada dagaal beeleedka dhowaan ka dhacay degaanka Dhumay ayaa amar kasoo baxay maamulka Somaliland loogu diiday inay ku degto Garoonka Laascaanood.
Dhinaca kale bannaanbax looga horjeedo dagaallada degaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa maanta ka dhacay magaalada Laas-caanood, iyadoo dadkii ka qeyb galay ay dalbadeen in degdeg loo joojiyo colaadda.