Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inaysan wax shaqo ah ku lahayn Doorashooyinka Soomaaliya, ayna tahay dal madax bannaan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo loo diray Beesha Calamka ayaa lagu caddeeyay inay lasoo noqotay madax banaanidedii, isla markaana ay uga digeyso Siyaasiyiinta Soomaaliya inay ka waantoobaan sheegashada beenta iyo riyada ku dhisan ee ay ku marin habaabinayan Bulshada Caalamka.
