Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kiisaskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay, kadib baaritaan lagu sameeyay dad looga shakisnaa.
Sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/llaahi waxaa baaritaan lagu sameeyay dad looga shakisanaa inay qabaan cudurka Coronavirus, iyadoo laba qof laga helay dadkii baaritanka lagu sameeyay oo la xaqiijiyey inay sidaan cudurka Coronavirus.
Labada qof ee cudurka laga helay ayaa la sheegay inuu midkood yahay Nin China u dhashay oo ku sugan magaalada dekadda ah ee Berbera jooga, halkaasina ka shaqeynayey iyo nin kale kasoo laabtay dalka Ingiriiska oo kasoo jeeda magaalada Burco.
Labadan ruux ayaa ayaa la sheegay inay xaaladooda Caafimaad degan tahay, lana ogaaday 26-ka bishan, kadibna baaritaan loogu diray dalka Kenya natiijadii noqotay inay qabaan cudurka Coronavirus, iyadoo goobo gaara lag hayo oo lagula tacaalayo.
Waxaa dabagal lag sameyn doonaa dadkii ay labadan qof xiriirka la sameeyeen ama dhexgaleen si loo karaantiilo. Waa kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus oo laga helay maamulka Somaliland iyo kiiskii 5-aad ee laga helo Soomaaliya guud ahaan.