Somaliland aya hor istaagtay odayaal ka socday Beesha Hawiye oo maanta tegi lahaa magaalada Hargeysa, markii ay amar siiyeen diyaaradii ka qaadi lahayd Garoonka Muqdisho.
Odayaasha dhaqanka ee kusii jeeday magaalada Hargeysa ayaa ka koobnaa lix caaqil oo uu hoggaaminayey Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, waxayna u socdeen maxaabiis kasoo jeeda Beeshaasi oo ku xiran Xabsiyada Somaliland oo dhammeystay xukunkii lagu riday, balse aan lasii deyn iyo fal uu geystay maxbuus oo isku dayey inuu baxsado uu dilay askari.
Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay tuhunsanaayeen in Odayaashan ay u socdeen kiiska milkiilaha Astaan TV C/manaan Yuusuf Maxamed, taasoo keentay in diyaaradii Odayaashan ka qaadi lahayd Muqdisho ay Somaliland ku amarto inaysan soo qaadi karin odayaasha oo arrintan lagu wargeliyey xilli ay ka duuli lahaayen saaka Garoonka Muqdisho.
